Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Maxaa ka socdo aagga degmada Jilib ee xarunta u ah Al-Shabaab? - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Maxaa ka socdo aagga degmada Jilib ee xarunta u ah Al-Shabaab?


Kismaayo (Adduun.com) – Ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgallo qorsheysan ka wada deegaanno hoos yimaada degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Ciidamada isgarabsanaya ayaa beegsaday fariisimo iyo goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo halkaas ka waday abaabul iyo falal amni-darro ah oo ka dhan ah shacabka iyo ciidamada dowladda.

Howlgalka oo ahaa mid si heer sare ah loo qorsheeyay ayaa waxaa wehliyay duqeymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen saaxiibada caalamiga ah, kuwaas oo si gaar ah uga dhacay agagaarka degmooyinka Jilib, Xagar iyo Afmadow, iyadoo la bartilmaameedsaday goobo muhiim u ahaa dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa sheegay in duqeymahaasi ay door weyn ka qaateen jabinta awoodda kooxda, isla markaana ay sahleen in ciidamada dhulka ay si fudud u gaaraan fariisimaha ay bartilmaameedsanayeen, iyagoo aan la kulmin iska caabin culus.

Inta la xaqiijiyay, howlgalka ayaa lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin tiradooda. Waxaana sidoo kale gacanta lagu dhigay hub kala duwan iyo miinooyin ay wateen, kuwaas oo isugu jira qoryaha darandooriga u dhaca iyo kuwa fudud sida BKM, RPG iyo AK-47.

Sidoo kale, ciidamada ayaa burburiyay goobihii ay kooxdaasi u adeegsan jirtay kaydinta hubka iyo isku dubaridka weerarrada, taas oo la sheegay inay qeyb ka tahay dadaallada lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab ee gobolka.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku saabsan howlgaladan iyo khasaaraha la sheegay in la gaarsiiyay, iyadoo inta badan kooxdaasi ay ka aamusto weerarrada noocan oo kale ah ama ay si ka duwan u fasirto.

Howl-galladan ayaa qeyb ka ah dadaallada sii xoogeysanaya ee ay wadaan Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland, kuwaas oo maalmahan dambe kordhiyay gulufyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, si loo xaqiijiyo amniga loogana saaro kooxaha hubeysan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard