Muqdisho (Adduun.com) – Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa si rasmi ah loogu dhaariyay in uu ka mid noqdo Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kadib kulan ka dhacay Muqdisho.
Dhaarinta Xildhibaanka ayaa shalay ka dhacday kulan gaar ah oo ay yeesheen Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka, kaas oo lagu qabtay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, kaas oo shir-guddoominayay Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Intii uu socday kulanka, waxaa sidoo kale lagu dhaariyay wasiirro cusub oo dhawaan lagu soo daray Golaha Wasiirrada Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, iyadoo si rasmi ah loogu aqoonsaday xilalkooda cusub ee baarlamaanka.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa toddobaadkii hore ku guuleystay kursiga HOP#204 oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee laga soo doorto Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, kursigaas oo muddooyinkii dambe uu hareeyay muran siyaasadeed.
Kursigan HOP#204 waxaa horey ugu fadhiyay Xildhibaan Isaaq Cali Subag, oo sheegay in si aan caddaalad ahayn looga qaaday kursiga. Hase yeeshee, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhankiisa ku adkeystay in kursigu bannaan yahay, isla markaana ay doorashadiisu si sharci ah u dhacday.
Jaamac ayaa horey dhowr jeer isku dayay in uu kursigan kusoo baxo, balse wuxuu diidmo adag kala kulmay hoggaankii hore ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).
Soo bixitaanka Jaamac ee Golaha Shacabka ayaa durba dhalisay hadal-heyn siyaasadeed oo xooggan, gaar ahaan damaca Villa Somalia ee Koonfur Galbeed iyo natiijada laga filan karo doorashooyinka laga abaabulayo maamulkaas.
Warar siyaasadeed oo soo baxaya ayaa tilmaamaya in xubinta cusub ee baarlamaanka lagu xoojinayo qorshayaal siyaasadeed oo la xiriira maamulka Koonfur Galbeed, taas oo dhalisay tuhunno ku saabsan jihada siyaasadeed ee laga leeyahay isbeddellada socda.
Sidoo kale, waxaa jira warar hoose oo sheegaya in Cabdulqaadir Maxamed Nuur loo wado guddoonka Golaha Shacabka, isla markaana uu beddeli karo Sheekh Aadan Madoobe, oo isna la sheegay in uu daneynayo hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed.
Si kastaba, dhaarinta Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa lagu tilmaamay mid sii xoojinaysa doorka uu ku leeyahay siyaasadda federaalka, iyadoo isha lagu hayo saameynta ay arrintani ku yeelan karto mustaqbalka Koonfur Galbeed iyo hoggaanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
