Muqdisho (Adduun.com) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn ayaa ansixiyey Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.
Xuseen Khaasim Yuusuf ayaa loo magacaabay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, kadib soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee JFS.
Xuseen ayaa beddelaya Mustafa Dhuxulow, oo ahaa Agaasimihii Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.
Agaasime Dhuxulow waxaa xilkan loo magacaabay 12-kii December 2024. Kahor intaan la magacaabin, wuxuu ahaa mucaarad kasoo horjeeday hab-maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh, balse xilkan oo loo arkayay mid lagu aamusiiyay ayaa ugu dambeyn laga qaaday.
Dhanka kale, kulanka Golaha oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga dalka iyo howl-gallada ay ciidamada qalabka sida ku ciribtirayaan kooxaha Khawaarijta ah, iyo sidoo kale arrimaha deegaanka iyo dhir-beerista.
Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud, kaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, Golaha Wasiirrada ayaa darajada safiirnimo u dalacsiiyey Nuur Maxamuud Sheekh, kadib soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
