Muqdisho (Adduun.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay qaadi doonto tallaabooyin sharci ah oo ka dhan ah shirkado iyo shaqsiyaad lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah uga faa’iideysanayaan kheyraadka macdanta dalka.
Go’aankan ayaa yimid xilli ay sii kordhayaan cabashooyinka la xiriira qodista iyo dhoofinta macdanta oo aan waafaqsanayn shuruucda dalka.
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, Daahir Shire Maxamed ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay kheyraad macdan oo aad u ballaaran, balse ay hareeyeen falal sharci-darro ah oo si xiriir ah u socda. Wuxuu tilmaamay in dowladdu ay haatan waddo qorshe lagu ogaanayo cid kasta oo ku lug leh howlahan, si tallaabo sharci ah looga qaado.
Wasiirka ayaa xusay in macdan, gaar ahaan dahab, si sharci-darro ah looga dhoofiyay dalka sanadihii u dambeeyay, taas oo lagu qiyaasay in ka badan 331 milyan oo doolar. Arrintan ayuu ku tilmaamay mid si weyn u dhaawaceysa dhaqaalaha dalka iyo ka faa’iideysiga kheyraadka dabiiciga ah.
Sidoo kale, Daahir Shire ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan shirkado iyo shaqsiyaad si qarsoodi ah uga faa’iideysanaya macdanta, isagoo xusay in inta badan howlahan ay ka dhacaan deegaanno ay bulshada deegaanka qaarkood si toos ah ugu lug leeyihiin, isla markaana macdanta lagu kala iibsado si hoose.
Wuxuu tilmaamay in falalkan sharci-darrada ah ay ka jiraan gobollada Sanaag iyo Bari ee Puntland, iyo sidoo kale gobolka Awdal ee Somaliland, halkaas oo uu sheegay in warbixino badan horey looga diyaariyay.
Wasiirku wuxuu qiray in dowladda aysan weli si buuxda u gaari karin dhammaan goobaha laga qodayo macdanta. Wuxuuna intaas ku daray in sharci cusub oo lagu maareynayo kheyraadka macdanta uu marayo heer gabagabo ah, isla markaana la filayo inuu dhaqan galo marka uu saxiixo madaxweynaha.
Wuxuu xusay in sharcigan cusub uu xoojin doono awoodda dowladda ee la dagaallanka macdanta sharci-darrada ah iyo ilaalinta kheyraadka dalka.
