Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Taliye lagu weeraray gurigiisa oo gaystay fal argagax leh - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Taliye lagu weeraray gurigiisa oo gaystay fal argagax leh


Beledweyne (Adduun.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay weerar bambaano lagu qaaday guri uu daganyahay taliyaha xasilinta xaafadda Buundaweyn, kaas oo dhaliyay khasaare soo gaaray xubno kamid ah qoyska.

Weerarkana ayaa waxaa ku dhaawacmay xaaska taliyaha, wiil uu dhalay iyo qof kale oo ku sugnaa guriga xilliga uu dhacayay weerarka hubeysan.

Intaas kadib waxaa tallaabo kale qaaday taliyaha hoygiisa la weeraray, waxaana isaga oo careysan uu tegay guri ku yaalla isla xaafadda oo uu kala soo baxay laba gabdhood oo walaalo ah, oo uu dhalay nin la sheegay in xiriir uu la leeyahay, kuna maqanyahay dhanka kooxda Al-Shabaab, isaga oo kadib kula dhaqaaqay fal naxdin leh oo ay aad uga argagaxeen dadka deegaanka.

Taliyaha ayaa lasoo wariyay inuu dilay mid kamid ah labada gabdhood, tan kalena laga badbaadiyay, kadib gurmad ay u fidiyeen shacabka xaafadda Buundaweyn oo ka hortegay in la dilo ama la waxyeeleeyo gabadha kale.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka degmada Beledweyne oo ku aadan dhacdadaas oo hadal hayn ka abuurtay baraha bulshada ee Internet-ka.

Beledweyne ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal ammaan darri oo isugu jiro falal ammaan darri, waxaana badanaa weerarro ka fuliso kooxda Al-Shabaab.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard