Muqdisho (Adduun.com) – Agaasimaha Warfaafinta Gobolka Banaadir Xuseen Cabdulle Maxamed oo qoraal xasaasi ah soo saaray ayaa beeniyay wararka sheegaya in xilka laga qaadayo Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, kadib markii wararkaas si weyn loogu baahiyay baraha bulshada.
Xuseen Cabdulle ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay xogaha la baahiyay, wxuuna sheegay in ay ka dambeeyaan dad ka xun horumarka uu sameeyay Muungaab.
“In ay habaaraan mooyee xal kale waa waayeen. Hal sano waxay maalin walba soo qorayaan “Muungaab xilka laga qaadi rabaa” waana daaleen”. ayuu yiri agaasimuhu.
Sidoo kale, waxa uu intaas ku daray in guddoomiyuhu sii wadi doono shaqada loo igmaday uuna joogayo, illaa laga gaarayo doorashada, sida uu hadalka u dhigay.
“Muungaab meel uma socdo shaqadiisa ayuu wataa ee iska suga inta doorasho laga gaarayo kadibna tartanka soo gala insha Allaah”. ayuu sii raaciyay.
Arrintan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo hadal hayn xooggan ay ka dhalatay kulan la filayo in saacadaha soo socda ay yeeshaan Golaha Wasiirrada Soomaaliya, iyada oo lasoo warinayo inay dhici doonaan isbeddallo waa wayn.
Wixii soo kordho kala soco; caasimada.net
