Jabuuti (Adduun.com) — Dowladda Jabuuti ayaa shaacisay in Itoobiya ay diidday yabooh ay ku siinaysay saami dhan 60 boqolkiiba oo ah lahaanshaha dekedda waqooyiga ku taalla ee Tajuura, iyadoo xukuumadda Addis Ababa ay beddelka taas dalbatay in la siiyo marin badeed gaar ah oo u madax-bannaan tahay, kaas oo barbar socda saamiga ganacsi ee la soo bandhigay.
Xogtan oo ay shaacisay Hay’adda Dekedaha iyo Aagagga Canshuuraha ka caaggan ee Jabuuti (DPFZA) ayaa iftiiminaysa wada-hadallada u dhexeeya labadan dal ee deriska ah, kuwaas oo xiriirkooda dhaqaale uu udub-dhexaad u yahay ganacsiga gobolka.
Guddoomiyaha hay’adda DPFZA, Abuubakar Cumar Xaddi, oo shir jaraa’id qabtay, ayaa xaqiijiyay in Jabuuti ay Itoobiya u bandhigtay saamiga ugu badan ee ganacsiga dekedda Tajuura, balse mas’uuliyiinta Itoobiya aysan aqbalin qorshahaas.
“Waxaan nahay kuwo cad oo daah-furan. Dalabkeennu wuxuu ahaa saami dhan 60 boqolkiiba oo Tajuura ah,” ayuu yiri Xaddi. “Dowladda Itoobiya way diidday soo-jeedintaas, waxayna dalbatay marin u gaar ah oo dheeri ku ah saamiga lahaanshaha.”
Xaddi ayaa carabka ku adkeeyay in Jabuuti ay weli diyaar u tahay inay la shaqeyso Itoobiya, ayna sii wadi doonto bixinta tashiilaadka lagama maarmaanka u ah ganacsiga dalkaas. “Si wanaagsan ayaan ula shaqeynaynaa dowladda, waxaana siinaynaa dhammaan adeegyada ay u baahan yihiin si ay u isticmaalaan dekedahayaga. Albaabadayadu aad bay ugu furan yihiin Itoobiya,” ayuu raaciyay.
In ka badan 95 boqolkiiba badeecadaha ay Itoobiya la soo degto ama ay dhoofiso ayaa mara Jabuuti, taas oo marinkan ka dhigaysa halbowlaha dhaqaale ee ugu muhiimsan dalka ugu dadka badan caalamka ee aan bad lahayn, kaas oo tirada dadkiisu ay kor u dhaaftay 130 milyan oo qof.
Xudunta Khilaafka
Waxa udub-dhexaadka u ah khilaafkan cusub ayaa ah farqiga weyn ee u dhexeeya in dal la siiyo saami ganacsi oo deked ah iyo in la siiyo marin badeed oo gaar ah.
Saamiga 60-ka boqolkiiba ayaa Itoobiya siin lahaa awood weyn oo ay ku yeelato Tajuura, oo ah deked ku dhow xudduudda Itoobiya, taas oo ay Jabuuti u xayaysiisay inay tahay marin cusub oo wax weyn ka taraya ganacsiga Itoobiya.
Balse, nidaamka ‘marinka’ ee ay Itoobiya dalbanayso ayaa ka dhigan waddo gaadiid oo rasmi ah oo leh nidaam kastam, maamul ama isku-socod oo ka madax-bannaan dalka martida loo yahay, taas oo ka weyn in deked la isticmaalo uun.
Dhanka Itoobiya, arrintani way ka weyn tahay ganacsi. Tan iyo markii gooni-isu-taaggii Ereteriya ee sanadkii 1993-kii uu Itoobiya ka dhigay dal aan bad lahayn, xukuumadihii is-xigay ee Addis Ababa waxay raadinayeen qaab ay ku yareeyaan ku tiirsanaantooda dekedaha shisheeye.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa dabayaaqadii sanadkii 2023-kii kiciyay walaac xooggan oo gobolka ah markii uu ku dooday in Itoobiya ay u baahan tahay marin-badeed la isku halleyn karo, taas oo feejignaan gelisay dalalka deriska ah oo markii horeba ka digtoonaa isbahaysiyada is-bedbeddelaya iyo xiisadaha xudduudaha ee Geeska Afrika.
Walaacyadaas ayaa cirka isku shareeray 1-dii Janaayo 2024, markaas oo Itoobiya ay heshiis is-afgarad la saxiixatay maamulka Somaliland, si ay u hesho marin ay ka gasho dekedda Berbera, iyadoo beddelkeedana bixinaysa saami ka mid ah hantida dowladda iyo suurta-galnimada aqoonsi siyaasadeed.
Heshiiskaas ayaa dhaliyay jawaab adag oo ka timid dowladda federaalka Soomaaliya, taas oo ku tilmaantay xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Kaddib bilooyin xiisad ah iyo dadaallo diblomaasiyadeed oo ay qayb ahaan hormuud ka ahayd dowladda Turkiga, murankaas ayaa yaraaday bishii Diseembar 2024 markii Soomaaliya iyo Itoobiya ay wada saxiixdeen Baaqii Ankara (Ankara Declaration), kaas oo dib u xaqiijiyay ixtiraamka madax-bannaanida labada dhinac, isla markaana lagu heshiiyay in wada-hadal la sii wado.
Dalabka Jabuuti ee dekedda Tajuura ayaa ahaa qayb ka mid ah dadaalladaas ballaaran ee lagu doonayay in Itoobiya loo bandhigo waddo beddel u ah tii Somaliland, iyadoo isla markaana la ilaalinayo doorka udub-dhexaadka ah ee Jabuuti u leedahay dhoofinta iyo soo-dejinta badeecadaha Addis Ababa.
Balse diidmada Addis-Ababa waxay si cad u muujisay in waxa Itoobiya ay raadineyso aysan aheyd dekad, balse ay tahay dhub badeed ay ka goostao dal kale, oo dalkaas ka dhiga waddan bad leh. Tan waxay sidoo kale diginin u tahay Somaliland, haddii aysan markii hore fahamsaneyn damaca rasmiga ah ee Abiy Ahmed.
