Qaar ka mid ah xubnaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka ayaa soo saaray bayaan ay walaac ku muujiyeen, kuna saabsan tallaabooyin ay sheegeen inay ka hor imanayaan sharciga iyo xeerarka u degsan guddiga.
Xubnahan waxay sheegeen in kulamo dhowaan la qabtay aysan buuxin shuruudihii sharci ee kooramka iyo habraaca go’aan-qaadashada, sida ku cad Qodobka 14aad, faqraddiisa 2aad iyo 3aad ee Sharciga Lr. 16 ee soo baxay 27 Juun 2016, kaasoo lagu aasaasay guddiga. Waxay tilmaameen in go’aanno lagu gaaray qaab aan waafaqsanayn habraaca saxda ah, taasoo shaki gelinaysa ansaxnimadooda sharci.
Sidoo kale, bayaanka waxaa lagu sheegay in ay jiraan khaladaad maamul iyo habraac oo saameyn ku yeeshay hufnaanta, wada-tashiga iyo sharciyadda kulamada guddiga, arrintaas oo xubnuhu ku tilmaameen mid dhaawici karta kalsoonida shacabka iyo waajibaadka guddiga.
Xubnaha bayaanka soo saaray ayaa si gaar ah uga digay ansixinta habraacyo shaqo iyo xeerar cusub, iyagoo sheegay in weli ay jiraan khilaafaad sharci oo aan la xallin. Waxay ku doodeen in tallaabooyinka noocaas ahi ay wiiqi karaan midnimada hay’adda, isla markaana dhaawici karaan madaxbannaanida guddiga.
Dhanka kale, bayaanka waxaa lagu xusay in magacabid la sameeyay kadib doorashadii hoggaanka ee 4 Febraayo 2026, gaar ahaan 7 Febraayo 2026, iyadoo la tilmaamay in habka loo maray aanu si buuxda ula jaanqaadin sharciga iyo talo-wadaagga xubnaha.
Xubnahan waxay ugu baaqeen in si degdeg ah loogu laabto ku dhaqanka buuxa ee Sharciga Lr. 16 (27 Juun 2016), dibna loo eego ama loo hakiyo go’aannada muranka dhaliyay ilaa laga caddeeyo sharciyadooda. Waxay sidoo kale ku baaqeen in khilaafaadka jira lagu xalliyo hannaan sharci ah oo wadajir ah, isla markaana la xoojiyo wada-tashiga iyo go’aan-qaadashada ku dhisan is-afgarad.
Gabagabadii, xubnaha bayaanka soo saaray waxay carrabka ku adkeeyeen in Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka loo aasaasay ilaalinta sharciga iyo difaaca xuquuqda aadanaha, sidaas darteedna ay muhiim tahay in hay’addu u shaqeyso si waafaqsan sharciga, si loo ilaaliyo kalsoonida iyo sumcadda ay ku dhex leedahay bulshada Soomaaliyeed.
HOOS KA AKHRISO WARSAXAAFADEEDKA

SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
