Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Xubin ka tirsan Al-Shabaab oo nolosha lagu soo qabtay + Sawirro - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Xubin ka tirsan Al-Shabaab oo nolosha lagu soo qabtay + Sawirro


Afmadow (Adduun.com) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Jubbaland ka sameeyeen duleedka degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose, kaas oo lagu soo qabtay xubin ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa nolosha kusoo qabtay ninkan xilli uu ku dhuumaaleysanayay howdka degmada Afmadow, halkaas oo uu ka dhacay howlgalka ay qaadeen ciidanka.

Jubbaland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in ciidanku ay ka war heleen dhaq-dhaqaaqa ninka, kadibna ay howlgal guuleystay ay kusoo qabteen, waxaana haatan ku socdo baaritaanno dheeraad ah.

“Ciidanka Daraawiishta JL ee degmada Afmadow oo howlgal qorshaysan ka fuliyay saaka deegaanno ku teedsan woqooyiga magaalada ayaaa gacanta ku soo dhigay xubin kamida Argagixisada oo ku dhuumaalausanayay howdka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale wuxuu bayaanka intaas kusii daray “Ciidamada Daraawiishta dagmada Afmadow oo ka war hayay dhaqdhaqaaqa xubin kamida Argagixisada oo ku dhuumaaleysanayay deeganada miyiga ee hoos yimaada dagmada Afmadow ayey ciidamadu ku baacsadeen waabarigii hore ee saaka. Sidoo kale ciidamada aya baaritaanno kala duwan ka sameeyay dhammaan deeganaadaasi”.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaalada ay waddo Jubbaland ee lagu xaqiijinayo amniga guud ee deegaannada maamulkaasi, si looga hortago falalka amni darrada ah, gaar ahaan weerrada Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoo ciidamada ay isku sii fidinayaan deegaannada Miyiga dhaca ee duleedka Afmadow, halkaas oo ah meesha uu ka dhacay howlgalka.

Jubbooyinka ayaa kamid ah meelaha ay weli ku xoogan yihiin maleeshiyaadka Khawaarijta, waxaana badanaa ka dhaca dagaallo culus oo ay la galaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard