Muqdisho (Adduun.com) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa guddoonka Golaha Shacabka u gudbiyey mooshin xilka qaadis ah oo ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida ku cad dukumenti lagu faafiyey baraha bulshada oo taariikhdiisu tahay 24-ka Maarso 2026.
Dukumentigaas oo loo diray Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha lagu eedeynayo inuu jebiyey qodobo ka mid ah Dastuurka Ku-meelgaarka ah.
Mooshinka ayaa ku doodaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu “ku tuntay dastuurkii lagu dhaariyey, ku takrifal awoodeed, kutumasho xuquuqda muwaadinka, musuq-maasuq iyo khiyaano qaran,” isla markaana falalkiisa lagu tilmaamay kuwo “si cad u muujinaya” inuu ku kacay waxyaabo lid ku ah sarreynta dastuurka.
Adduun.com si madax-bannaan uma xaqiijin karto tirada saxda ah ee xildhibaannada saxiixay mooshinkan. Si kastaba, dukumentiga la arkay wuxuu xambaarsan yahay liis dheer oo magacyo xildhibaanno ah, kuwaas oo isugu jira xubno ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, oo gaaraya illaa 134.
Qodobada mooshinka lagu xusay waxaa ka mid ah eedeymo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka ka taagan Koonfur Galbeed.
Qoraalka ayaa si toos ah u leh Madaxweynaha wuxuu “huriyey khilaafaad siyaasadeed, isaga oo adeegsana ciidamo militari iyo cadaadis dhaqaale kula kacaya dowlad goboleedyada,” arrintaas oo ay ku sheegeen mid dhaawaceysa midnimada qaranka, xasilloonida siyaasadeed iyo jiritaanka dowladnimada.
Sidoo kale, mooshinka waxaa lagu eedeeyey Madaxweynaha inuu “faragelin sharci darro ah ku sameeyey Golaha Shacabka iyo hay’adaha madaxa bannaan,” iyo inuu ku kacay falal ka baxsan xuduudaha uu dastuurku u oggol yahay xafiiskiisa.
Dhinaca kale, xildhibaannada mooshinka wada ayaa ku doodaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka leexday nidaamka federaalka, iyaga oo sheegay inuu “qaatay hanaan doorasho oo hal dhinac ah, baalmarsan hanaanka nidaamka federaalka iyo mabaadi’da dastuurka.”
Mooshinku wuxuu sidoo kale xusay heshiisyo caalami ah iyo arrimo dhaqaale oo lagu dhaliilay madaxtooyada, iyadoo saxiixayaasha ay ku andacoonayaan in Madaxweynaha uu galay tallaabooyin aan marin hannaan sharciyeedkii loo baahnaa, islamarkaana wax u dhimaya hufnaanta iyo isla-xisaabtanka dowladeed.
Gabagabada qoraalka, xildhibaannadu waxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ka codsadeen inuu si degdeg ah u qabto mooshinka, una gudbiyo habraacyada dastuuriga ah ee la xiriira xil ka qaadista Madaxweynaha.
Hase yeeshee, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe uu diiday qabashada mooshinka. Xildhibaanadan ayaa arrintaas ku sababeeyey, sida ay sheegeen, in guddoomiyuhu qayb ka yahay dadaallada siyaasadeed ee haatan ka socda Baydhaba.
Ilaa hadda, ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ama Madaxtooyada Soomaaliya oo ay kaga jawaabayaan mooshinkan iyo eedeymaha ku xusan.
Si kastaba waxaa xusid mudan in madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamanka ay yihiin xulufo siyaasadeed, sidaas darteedna rajada laga qabo in mooshinkaas cod loo qaado ay ku dhowdahay eber.
