Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib maalmo uu ku maqnaa Nairobi ayaa haatan kulan gaar ah la leh madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.
Kulanka oo saaxafadda ay dibad joog ka tahay ayaa ka socda gudaha Airport Hotel oo ay dagan yihiin madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.
Wararka ayaa sheegaya in kulankan diiradda lagu saarayo wada-hadallada la filayo inay dhex-maraan Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqalka, kaas oo weli buuq uu ka taagan yahay.
Ilo wareedyo xilkas ah ayaa sheegaya in Shariif uu wado dadaalo dheeraad ah oo uu ku doonayo inuu ku xoojiyo midnimada golaha, si ay niyadsami ugu galaan wada-hadallada loo ballansan yahay, si loogu gaaro xal waara.
Sidoo kale waxa ay ka tashanayaan dalabka kasoo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aadan in shirka lagu qabto Xarunta Villa Soomaaliya.
Kulankan waxaa ka horreeyay mid kale oo ay xalay yeesheen xubnaha Golaha Mustaqbalka iyo qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo isna ka dhacay Airport Hotel, oo ku yaalla xayndaabka garoonka Aadan Cadde, halkaas oo ay degan yihiin madaxda Puntland iyo Jubaland.
Golaha Mustaqbalka, oo ay ku mideysan yihiin Jubaland, Puntland iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, ayaa xildhibaannada taabacsan mucaaradka ka dhageystay warbixin la xiriirta kulamadii u dambeeyay ee golaha iyo isku-deygooda ka hortagga meelmarinta wax ka beddelka dastuurka.
SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
