Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Xogta kulan dhex-maray Xasan Sheekh iyo Isimada Puntland+ Sawirro - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Xogta kulan dhex-maray Xasan Sheekh iyo Isimada Puntland+ Sawirro


Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta madaxtooyada qaranka ku qaabilay qaar kamid ah isimada dhaqanka ee Puntland, isaga oo u sameeyey soo dhaweyn heer sare ah, sida ay muujinayaan sawirro ay baahisay Villada.

Kulanka waxaa ka qayb-galay isimo ay kamid yihiin Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin, Suldaan Mursal, iyo Suldaan Maxamuud Xaaji Cabdullaahi, iyo marti sharaf kale.

Intiisa badan waxaa kulanka diiradda lagu saaray baahiyaha ka jira deegaannada Puntland, iyo xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa shacabka iyo dowladdooda, si loo gaaro xasillooni iyo horumar waara.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in kulankan lagu soo qaaday xaaladaha Puntland iyo arrimaha doorashooyinka oo ay dowladda dhexe dooneyso in ay noqdaan kuwo toos ah oo dadweynuhu soo dooranayaan cidda ay rabaan.

Kulankan wuxuu kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana ay is-hayaan Dowladda Federaalka iyo Puntland, maadaama uu khilaafkoodu sii fogaaday.

Villa Soomaaliya ayaa horay sidaan oo kale ula shirtay inta badan siyaasiyiinta mucaaradka Puntland oo hadda jooga Muqdisho, waxaa kale oo ay saameysay dhaq-dhaqaaq ciidan oo uu qaylo dhaan kasoo saaray madaxweyne Saciid Deni.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana la’isku hayaa nooca doorasho ee ka dhaceysa dalka iyo wax ka beddel lagu sameeyay dastuurka dalka.

Waxaa kale oo intaas sii dheer xiisado haatan kasoo cusboonaaday maamul-goboleedyada, kadib tallaabadii laga qaaday Cabdicasiis Lafta-gareen oo meesha laga saaray markii ay duulaan toos ah ku qaaday dowladda dhexe

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard