Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Xogta heshiis halis ah oo ay galeen Imaaraadka iyo Itoobiya - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Xogta heshiis halis ah oo ay galeen Imaaraadka iyo Itoobiya


Addis Ababa (Adduun.com) — Warbixino sirdoon iyo xogo cusub oo soo baxay ayaa daaha ka rogay heshiis halis badan oo xukuumadda ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ay la gashay dowladda Imaaraadka Carabta ee qalalaasaha ka wadda Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.

Heshiiska ayaa horseeday xero milateri oo aad loo qalabeeyay oo ku taalla gudaha Itoobiya, gaar ahaan meel u dhow xuduudda Suudaan, halkaas oo la sheegay in lagu tababaro dagaalyahannada Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF) ee dagaalka kula jira milatariga Suudaan.

Saldhiggan oo ku yaalla gobolka fog ee Benishangul-Gumuz, ayaa la xaqiijiyay inuu qaadi karo ilaa 10,000 oo dagaalyahan. Tani waxay noqonaysaa caddeyntii ugu horreysay ee toos ah ee muujinaysa ku lug-lahaanshaha Itoobiya ee colaadda sokeeye ee dalka deriska la ah ee Suudaan.

Ilo-wareedyo gaaraya siddeed, oo uu ku jiro sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya, ayaa xaqiijiyay in dowladda Imaaraadka Carabta ay bixisay dhaqaalaha lagu dhisay xaruntan, isla markaana ay geysay tababarayaal milateri.

Falanqeeyayaasha arrimaha gobolka ayaa aaminsan in daah-furka saldhiggan uu iftiiminayo sida dagaalka labada sano jirsaday ee dhinacyada Suudaan — kaas oo sababay dhimashada tobanaan kun iyo barakaca in ka badan 11 milyan oo qof — uusan hadda ahayn mid u dhexeeya laba jeneral oo kaliya, balse uu noqday goob ay ku loolamaan awoodo shisheeye.

Imaaraadka Carabta ayaa si weyn loogu eedeeyay inay taageero hiil iyo hoo ah siiso RSF, iyadoo u marinaysa hubka iyo saadka dalalka Chad, Liibiya, iyo Uganda, inkastoo Abu Dhabi ay marar badan iska fogeysay eedeymahaas, oo sababay in Suudaan ay xiriirka diblomaasiyadeed u jarto dalkaas Khaliijka ku yaalla.

Sawirro dayax-gacmeedka laga qaaday aagga xaruntan ayaa muujinaya dhaqdhaqaaq xooggan oo billowday bishii Oktoobar, iyadoo dabayaaqadii Nofembar la dhisay in ka badan 640 teendho. Gawaarida xamuulka ayaa sidoo kale lagu arkay iyagoo ciidamo cusub ka daad-gureynaya magaalada Asosa oo qiyaastii 53km u jirta xeryaha.

Maxamed Xuseen, oo ah falanqeeye siyaasadeed ahna agaasimaha Shabakadda Xuquuqda Aadanaha ee Darfur, ayaa sheegay in dhismaha xeryahan Itoobiya ay qayb ka yihiin qorshe ballaaran oo Imaaraadku ku taageerayo RSF.

“Taageerada noocan ah waxay jirtay bilowgii hore,” ayuu yiri Xuseen. “Soo dhaweyntii maamuuska lahayd ee Itoobiya u sameysay hoggaamiyaha RSF ee Addis Ababa, iyadoo loola dhaqmayay sidii madaxweyne dal, waxay muujinaysaa qoto-dheerida xiriirkaas.”

Bishii Nofembar, Itoobiya iyo Imaaraadka ayaa kala saxiixday is-fahan dhanka ciidamada cirka ah, kaas oo khubaradu sheegeen inuu sahli karo in diyaaradaha Drones-ka loo adeegsado taageerada RSF.

Maxamed Cabdul Casiis, oo ka tirsan Ururka Suxufiyiinta Suudaan, ayaa ka digay in tallaabadani ay Suudaan gelineyso marxalad istaraatiijiyadeed oo halis ah.

“Dhismaha xeryo ka baxsan xuduudaha dalka, gaar ahaan Itoobiya, waxay dagaalka ka dhigaysaa mid heer gobol ah halkii uu ka ahaan lahaa loolan awoodeed oo ka socda Khartuum,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in faragelinta tooska ah ee Itoobiya ay keeni karto jawaab celin ka timaada Milatariga Suudaan iyo xulafadiisa sida Turkiga, Iiraan, Masar, iyo Sacuudiga, taas oo gobolka u beddeli karta goob dagaal oo la mid ah Liibiya ama Yemen.

Sidoo kale, Al-Faatix Cismaan Maxjuub, oo ah falanqeeye siyaasadeed, ayaa ka digay in haddii xukuumadda Suudaan ay tallaabada Itoobiya u aragto “duulaan milateri”, ay suuragal tahay inay dhaqan-geliso heshiiska difaaca ee ay la leedahay Masar.

“Isbeddelka noocan ah wuxuu albaabada u furi karaa marxalado halis ah, oo ay ka mid tahay in la beegsado Biyo-xireenka webiga Niil (GERD),” ayuu yiri Maxjuub.

Khubarada ayaa aaminsan in dhismaha saldhiggan uu sii fogeynayo rajada nabadda. Wadahadalladii Jeddah iyo Manama ayaa u muuqda kuwo fashilmay, iyadoo hoggaamiyeyaasha labada dhinac ay u muuqdaan kuwo go’aanadoodu ay ku xiran yihiin gacmo shisheeye.

“Marka RSF ay dareento inay haysato taageero istaraatiijiyadeed iyo socodka joogtada ah ee dagaalyahannada iyo Drones-ka, waxay luminayaan dhiirigelintii ay ku tanaasuli lahaayeen miiska wadahadalka,” ayuu yiri Cabdul Casiis.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard