Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Xogta heshiis cusub oo kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga + Sawirro - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Xogta heshiis cusub oo kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga + Sawirro


Ankara (Adduun.com) – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Hay’adda Teknolojiyadda iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda Türkiye (BTK) ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah (MoU), kaas oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee isgaarsiinta elektaroonigga ah.

Heshiiskan ayaa diiradda saaraya in labada hay’adood ay iska kaashadaan dhinacyada ay wada daneynayaan ee la xiriira horumarinta iyo nidaaminta isgaarsiinta casriga ah.

Waxyaabaha heshiiska ku jira waxaa ka mid ah nidaaminta isgaarsiinta dayax-gacmeedka, amniga saaybarka, maareynta hirarka, iyo hirgelinta kaabeyaasha internet-ka baahsan (broadband).

Sidoo kale heshiisku wuxuu taabanayaa amniga iyo adkaysiga shabakadaha, adeegyada isgaarsiinta, nidaaminta internet-ka, iyo qodobo kale oo nidaamineed oo la xiriira isgaarsiinta elektaroonigga ah.

Heshiiska is-afgaradka ah waxaa xarunta dhexe ee hay’adda BTK ee Ankara ku saxiixay Mustafa Yaasiin Sheekh, Maareeyaha Guud ee HIQ, iyo Ömer Abdullah Karagözoğlu, Guddoomiyaha BTK ee Jamhuuriyadda Türkiye.

Ömer Abdullah Karagözoğlu oo ka hadlay heshiiska ayaa sheegay in iskaashigan uu kor u qaadayo is-weydaarsiga aqoonta iyo khibradda nidaaminta, si loo horumariyo qeybaha isgaarsiinta ee mustaqbalka fog ee labada dal.

Dhankiisa, Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa xusay muhiimadda heshiiskan, isagoo tilmaamay in uu xoojinayo wada-shaqeynta hay’adeed ee u dhexeysa HIQ iyo BTK, isla markaana taageeraya dhisidda awoodda shaqaalaha iyo horumarinta qaab-dhismeed nidaamin oo wax ku ool ah.

Kaddib saxiixa heshiiska, Maareeyaha Guud iyo wafdigiisa waxay la yeesheen kulammo gaar ah Hay’adda BTK iyo xarumo kale, iyagoo ka qeyb galay wadahadallo farsamo, aqoon-isweydaarsi, iyo wadaagis khibradeed oo la xiriira amniga saaybarka, ilaalinta macaamiisha, iyo hab-maamulka internet-ka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard