Baydhaba (Adduun.com) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo gelinkii dame ee Arbacadii dhex-maray ciidamada dowladda ee la geeyay magaalada Baydhaba iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo isku fara saaray bannaanka magaalada.
Ilo wareedyo amni ayaa innoo sheegay in ciidamada oo xiligaas ku jiray roondo amni xaqiijin ah ayaa waxaa waxa ay isku dhaceen maleehsiyo ka tirsan Khawaarijta oo iyaguna ku sugnaa halkaas, waxaana kadib dhex-maray iska hor imaad toos ah oo gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Ugu yaraan 5 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa ku dhintay dagaalka, sida ay warbaahinta gudaha u sheegeen qaar kamid ah ehellada askarta ku dhimatay iska hor imaadkaas.
Sidoo kale, meydadka askarta ku geeriyootay dagaalkaas ayaa la keenay magaalada Muqdisho, si aas loogu sameeyo, ehelladoodana ayu ogaadaan.
Dhankooda, maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa gaaray khasaare culus oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse lama oga inta uu gaarsiisan yahay.
Xaaladda ayaa saaka deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha dowladda oo ku aadan dagaalka ka dhacay duleedka Baydhaba.
Maalmihii u dambeeyay waxaa kordhayay isku dhacyada ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab, maadaama Baydhaba iyo agagaarkeeda ay dowladdu gaysay ciidamo dheeraad ah oo howlgallo xooggan oo ka wada gudaha magaaladaas.
