Connect with us

News

Xog: Golaha Mustaqbalka oo go’aan ka gaaray casuumaadda Xasan Sheekh


Nairobi (Adduun.com) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa isku raacay ka qeyb-galka gogosha wadatashiga qaran ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Adduun.com, dhinacyada ayaa isku raacay in la aqbalo casuumadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana la filayaa in maalinta berri ah ay soo saaraan go’aanno rasmi ah.

Tan iyo markii ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday gogosha wadatashi ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu fidiyay, isbahaysiga mucaaradka ah ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa culeys siyaadadeed kala kulmayay wakiillada beesha caalamka.

Wakiilada beesha caalamka oo kulamo gooni-gooni ah la qaatay xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa waxay si cad uga dalbadeen inay aqbalaan casuumaadda Dowladda Federaalka ee gogosha wadatashiga qaran, taas oo ugu dambeyntiina ay isla qaateen.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa adkeeyay in xilligan xasaasiga ah loo baahan yahay wada-hadal loo dhan yahay si loo gaaro is-afgarad ballaaran oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka, ka hor inta aysan dhammaan muddada dastuuriga ah ee hay’adaha dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Isniintii ku dhawaaqay gogol wadatashi qaran, iyadoo casuumaad loo diray madaxda ku bahoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa casuumad rasmi ah u fidisay Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Shirweynahan ayaa magaalada Muqdisho ka furmi doona 1-da bisha soo aadan ee Febraayo 2026, sida uu iclaamiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa wajaheysa loollan waqtiyeed, iyadoo muddo-xileedka hay’adaha dowladda lagu wado inuu dhammaado bartamaha bisha May ee sanadkan. Ismari-waaga ugu weyn ayaa salka ku haya nuuca doorasho ee dalka ka dhacaysa.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in News