Abu Dhabi (Somalia Today) — Senator sare oo ka tirsan Aqalka Senate-ka Mareykanka, Lindsey Graham, ayaa Arbacadii beeniyey warar maalmihii lasoo dhaafay hareeyay baraha bulshada, kuwaas oo la xiriiray xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan (MBZ).
Graham, oo ah xubin sare oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, ayaa qoraal uu soo dhigay barta X (horey u ahaan jirtay Twitter) ku sheegay inuu waqti 90 daqiiqo ah la qaatay hoggaamiyaha Imaaraadka, uuna ku arkay xaalad “caafimaad qab ah” iyo firfircooni, isagoo si kulul u weeraray dadka faafinayay wararkaas.
“Wuu nool yahay, wuu caafimaad qabaa,” ayuu yiri Graham, isagoo intaas ku daray in 64-jirka xukuma Imaaraadka uu yahay mid “maskaxdiisu aad u furan tahay, sidii horena ka wanaagsan.”
Farriinta Senator-ka ayaa timid kadib maalmo ay gobolka Khaliijka ka jirtay hadal-hayn xooggan iyo shaki, taasoo ka dhalatay markii Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, uu si lama filaan ah u baajiyay booqasho uu ku tegi lahaa Abu Dhabi horraantii toddobaadkan.
Xafiiska Erdogan ayaa markii hore baahiyay – balse daqiiqado kadib tirtiray – bayaan tilmaamayay “dhibaatada caafimaad” oo lasoo deristay Sheekh Maxamed. Tallaabadaas ayaa dhalisay mowjado warar aan la xaqiijin ah oo baraha bulshada qabsaday, kuwaas oo sheegayay in hoggaamiyuhu uu galay xaalad degdeg ah ama xitaa uu geeriyooday.
Si loo damiyo wararkaas, Wakaaladda Wararka Imaaraadka (WAM) ayaa baahisay muuqaallo iyo sawirro muujinaya Graham iyo Sheekh Maxamed oo ku wada hadlaya qasriga Qasr Al Shati ee Abu Dhabi, iyagoo si qoto dheer uga doodaya arrimaha gobolka iyo dadaallada nabadda Bariga Dhexe.
Hase yeeshee, Axmed Cabdi oo ah falanqeeye fadhigiisu yahay Muqdisho ayaa u sheegay warbaahinta Eglish-ka ee Somalia Today in qaabka adag ee uu Senator-ku u hadlay laga yaabo inay yeelato saameyn lid ku ah ujeedkiisa, taasoo sii dheereyn karta cimriga warka halkii ay ka damin lahayd.
“Marka mas’uul sare oo sharci-dejiye Mareykan ah uu dareemo inuu fagaare ka cadeeyo in hoggaamiye Khaliiji ah uu ‘nool yahay’ uuna ‘fiican yahay’, waxay abuuraysaa shaki hor leh oo ku dhasha dadka aan markii horeba la socon wararkaas,” ayuu yiri Axmed.
“Inkastoo ay dadka qaar qancinayso, haddana waxay muujinaysaa in shakigu uu gaaray heerar sare oo siyaasadeed.”
Graham, oo sidoo kale ah xulafo dhow ee Madaxweyne Donald Trump, ayaa fursaddan uga faa’iideystay inuu ammaano Imaaraadka iyo go’aankii ay xiriirka kula yeesheen Israa’iil sannadkii 2020 (Abraham Accords). Wuxuu ku tilmaamay heshiiskaas mid ka mid ah isbedellada ugu waaweyn ee taariikhda casriga ah ee Bariga Dhexe.
Wuxuu ugu baaqay dalalka kale ee gobolka inay qaataan waddada Abu Dhabi ee wax uu ugu yeeray casriyeynta, isagoo xaaladda gobolka ku sifeeyay loolan u dhexeeya “iftiinka iyo mugdiga.”
Senator Graham ayaa safarkiisa wuxuu kusii wajahan yahay dalka Sacuudiga si uu ula kulmo Dhaxal-sugaha Boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan, isagoo ammaanay aragtida Saudi Vision 2030.
Socdaalkan ayaa imaanaya xilli Washington ay isku dayeyso inay dheelitirto xiriirka ay la leedahay labada dal ee Khaliijka (Sacuudiga iyo Imaaraadka), kuwaas oo xiriirkoodu uu aad u xumaaday muddooyinkii dambe sababo la xiriira loolanka gobolka iyo saameynta ay ku leeyihiin Yemen iyo Soomaaliya.
SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
