Kismaayo (Adduun.com) – Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa in weli dhaq-dhaqaaqyo culus ay ka wadaan aagga deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay jab culus ku gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab.
Ciidamada oo haatan helay gurmad horleh, laguna kordhiyay guutooyin cusub ayaa lagu soo warramayaa in ay ka ruqaansadeen Jasiiradda Kudhaa, iyaga oo uu baxay deegaannada hoos yimaada magaaladaasi oo ay ku xoogan yihiin maleeshiyaadka Khawaarijta.
Saraakiisha horkaceysa howlgallada ayaa shaaca ka qaaday in ujeedkooda uu yahay in argagixisada ay ka saaraan halkaasi, oo la rumeysan yahay inay kasoo abaabusho weerarada ay kusoo qaado fariisimaha Ciidanka ee ku yaalla halkaasi.
Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale dagaallo xooggan ay ka dhacaan duleedka deegaanka Kudhaa oo ay hadda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ay ka wadaan labada dhinac.
Sidoo kale, waxaa howlgalladan qayb ka ah diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo hawada ka taageeraya Kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ee dagaallada xoreynta ka wada aaggaasi.
Dhanka kale, Howlgalladii ugu dambeeyay oo dhacay 24-kii saac ee lasoo dhaafay ayaa lagu dilay ku dhawaad 30 xubnood oo ka mid ahaa xubnihii Khawaarijta ee ka firxaday deegaanka Kudhaa ee Jubbada Hoose, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya.
“Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland ayaa sii wada howlgallo ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo ka socda deegaanno ka tirsan duleedka fog ee Kudhaa. Howlgalladii ugu dambeeyay ee la sameeyay ilaa xalay ayaa lagu dilay 24 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, ayadoo sidoo kale lagu soo qabtay labo xubnood oo dhaawac ah, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay dhulka howdka ah ee Kudhaa” ayaa lagu yiri qoraalka.
Waxaa kale oo lasoo raaciyay “Sidoo kale, aroornimadii saakay ciidamo howlgal qorsheysan ka fuliyay isla deegaankaas ayaa dilay afar xubnood oo ka mid ahaa firxadkii Khawaarijta ee ka baxsaday dagaalladii hore”.
Dowladda Federaalka ayaa shaaca ka qaaday in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, laguna ciribtirayo haraadiga Khawaarijta, si looga hortago in mar kale ay weerar ka fuliyaan halkaasi.
Dagaalka Kudhaa ayaa noqday mid kamid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ay la kulmaan xubnaha Al-Shabaab, maadaama laga laayay maleeshiyaad badan, lagana dhaawacay kuwa kale, iyada oo xubno kale iyo hab la qabtay.
