Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Xisbiga Shariif oo arrin xasaasi ah ka dalbaday madaxweyne Xasan Sheekh - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Xisbiga Shariif oo arrin xasaasi ah ka dalbaday madaxweyne Xasan Sheekh


Muqdisho (Adduun.com) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aadan wax ka beddelka dastuurka dalka, isaga oo dalab xasaasi ah u gudbiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu horreyn xisbiga ayaa shaaca ka qaaday in uusan aqoonsaneyn go’aanka Baarlamaanka ee wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah, wuxuuna xusay in loo maray hannaan aan sharci ahayn.

Sidoo kale waxa uu xisbigu sheegay in isbeddal kasta oo dastuurka ah uu ku imaan karo kaliya inay ka qayb qaataan dhammaan hay’adaha quseyso, iyada oo loo marayo hab sharci ah.

“Xisbigu wuxuu aaminsanyahay in wax ka beddelka kasta oo lagu sameeyo dastuurka dalka uu ku imaan karo hab sharci ah oo waafaqsan qodobada dastuurka kumeelgaarka ah, islamarkaana ay ka qaybqaataan dhammaan hay’adaha dastuuriga ah ee labada heer dowladeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed”. ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Waxaa kale oo uu xisbigu soo saaray baaq culus oo ku socda madaxweynaha, isaga oo ka dalbaday in uu dalka u jiheeyo doorasho, si looga baaqsado qalalaase siyaasadeed iyo hubinti la’aan, maadaama uu sii dhamaanayo muddo xileedka hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya.

“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ugu baaqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in mudada yar ee ka hartay xil-heyntiisa sharciga ah uu diiradda saaro sidii lagu heli lahaa doorasho heshiis lagu yahay, si looga fogaado qalalaase siyaasadeed iyo hubanti la’aan ku timaadda mustaqbalka dowladnimada iyo xasilloonida dalka” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka Himilo Qaran.

Baaqan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Arbacadii Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ay cod aqlabiyad leh ku meel-mariyeen cutubyada 4-aad illaa 15-aad oo ay horay uga doodeen, maadaama wax ka beddel lagu sameeyay.

Intaasi kadib Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa ku dhawaaqay in muddada xil-heynta Baarlamaanka 11-aad ay tahay shan sano, waxay sidoo kale tani ka dhigan tahay in muddo xileedka madaxweynaha uu yahay shan sano, sida ku cad dastuurka cusub, iyada oo madaxweynuhu xilka sii hayn doono illaa May 2027.

Si kastaba, Siyaasiyiinta mucaaradka ee Dowladda Federaalka, Jubbaland iyo Puntland ayaa qaadacay in ay oggolaadaan in dastuurka cusub uu dhaqan galo, waxayna tani keeneysaa xaalad siyaasadeed oo horleh iyo dalka inuu galo qalalaase siyaasadeed, marka la’eego sida ay wax ku socdaan.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard