Muqdisho (Adduun.com) – Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa caawa soo saaray go’aan rasmi ah oo 19 xildhibaan uga joojinayo kulamada baarlamaanka.
Xildhibaannadan ayaa laga joojiyay ka-qaybgalka 12 kulan oo ah fadhiyada wada-jirka ah ee labada gole, iyo fadhiyada kale Golaha Shacabka oo ka bilaabanaysa nmaalinta berri ah oo taariikhdu tahay 07/02/2026.
Xildhibaanadan oo ay kamid yihiin ayaa Xil. Cabdirashiid Xidig, Maxamed Geelle, Cali Mahdi Qalato, Yuusuf Gama’diid iyo Nasra Mahdi Maxamed ayuu guddoonka sheegay in kulamada looga joojiyay sabab la xiriirta qalalaasihii ka dhacay fadhigii u dambeeyay ee wadajirka ahaa.
Xubnaha ayuu guddoonku ku eedeeyay inay ku lug lahaayeen qalalaasihii maalmo ka hor ka dhacay fadhigii wadajirka ahaa ee labada Aqal. “Iyadoo la tixgalinaayo xaaladaha amniga, iyo in aysan soo noqon fowdo iyo carqaladeyn kale ee ka dhaca Golaha, kuwaas oo si toos ah u halis gelinaya badqabka Xildhibaannada, shaqaalaha Golaha Shacabka, iyo hannaanka gudashada waajibaadka Golaha Shacabka waxaa kulamada laga joojiyay xildhibaannadan.”
Go’aankan ayaa imanaya xilli maalinta berri ah ay Mudaneyaasha labada Aqal ee baarlamaanka u ballansan yihiin kulan ay kaga doodayaan wax ka beddelka dastuurka kadib markii kulamadii hore uu hareeyey ismarin-waa iyo buuq.
Guddoonka baarlamaanka ayaa doonaya in uu sii wado wax ka beddelka dastuurka oo gadaal ka riixayso Villa Somalia, taas oo xiisadda taagan uga sii dari karta, maadaama ay si adag u diidan yihiin xubnaha mucaaradka iyo hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Jubaland.
Hoos ka aqriso magacyada Xildhibaannada laga joojiyay kulamada baarlamaanka:
- Xil. Abdirashid Mohamed Hidig
- Xil. Mohamed Jaamac Mursal (Geele)
- Xil. Abbas Ali Ibrahim
- Xil. Ali Mahdi Mohamed (Qalato)
- Xil. Nasra Mahdi Arale
- Xil. Ali Haji Dahir Saleban
- Xil. Abdirashid Jire Khalinle
- Xil. Mariam Aweis Jama
- Xil. Faduma Farah Adan (Faduma Nine)
- Xil. Said Ali Muse
- Xil. Ifrah Mohamed Awed
- Xil. Faisal Ahmed Mohamud
- Xil. Yusuf Mohamed Ismail (Barakaale)
- Xil. Ahmed Osman Ibrahim (Daqare)
- Xil. Yusuf Hussein Ahmed (Gama’diid)
- Xil. Daud Abdikarim Sh Omar
- Xil. Khadra Ahmed Mohamud
- Xil. Hassan Hurre Ugas
- Xil. Mohamed Abdirahman Nadif


SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
SIRDOON & QISO
Basaaskii ahaa Injineerka Tubooyinka & Bulaacadaha
SIRDOON & QISO
Habiba Bajouri | Basaasadii Dishay Ninkeeda |
SIRDOON & QISO
Nadia Fouda | Basaasadii la Shaqeeysay Saddam Hussein |
SIRDOON & QISO
Taxanaha Basaaskii Carbeed Adam Sabri (Dhamaad)
SIRDOON & QISO
Qisada Ninkii Siliga ku dilay Xaaskiisa | Qisadeena Labaad