Garoowe (Adduun.com) – Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kana soo jeeda Puntland ayaa maanta ka degay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Xildhibaannadan oo muddo ku xanibnaa xayndaabka garoonka Muqdisho ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe, kadib markii dowladdu ogolaatay inay u duulaan halkaasi.
Guddoonka Baarlamaanka Puntland, xildhibaano heer federaal ah, xubno ka tirsan golayaasha maamulka Puntland iyo qaar kamid ah shacabka Garoowe ayaa ka qeyb galay soo dhaweynta xildhibaanadan.
Xubnahan ayaa sheegay in hor-istaagga lagu sameeyay looga gol lahaa inaysan ka bixin magaalada Muqdisho illaa inta laga ansixinayo dhameystirka wax-ka-beddelka dastuurka KMG ah, kaasi oo guddoonka baarlamaanka uu shaaciyay in cod aqlabiyad ah lagu meel-mariyay.
Xildhibaannadan ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin wax-ka-beddelka dastuurka ee uu shalay ansixiyay baarlamaanka, iyagoo si cad u sheegay inaysan aqoonsanayn dastuurkan cusub.
“Innaga dastuurkeennu waa dastuurkii aynu samaynay, waxa kale waxba kama jiraan mana aqoonsanin,” ayuu yiri Senator Faroole oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Waxa uu intaas ku sii daray, “Kan shaqo kuma lihin (dastuurka cusub), nimankaasna illaa bisha May ayaa u hadhay, halkaas ayay ku dhammaanaysaa.”
Dowladda Federaalka oo haatan ku guuleysatay qorshaheeda dhameystirka dastuurka ayaa dhawaan is hortaagtay in xildhibaannada kasoo jeeda Puntland ay tegaan Garoowe, iyadoo markaas mamnuucday in xildhibaannada Baarlamaanka ay ka baxaan magaalada Muqdisho.
Haatan, go’aankaas ayaa meesha laga saaray, kadib markii Villa Soomaaliya ay soo xirtay malafka dastuurka, oo ah kan uu muranka ugu xooggan ka taagan yahay.
Si kastaba, dhameystirka dastuurka ayaa weli wajahaya khilaaf hor leh, iyadoo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu si adag u diiday wax-ka-beddelka dastuurka ee shalay uu ansixiyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Golaha ayaa sheegay in go’aanka shalay kasoo yeeray guddoonka baarlamaanka, kadib codeyn la sheegay in loo qaaday dhameystirka dastuurka, lagu fuliyay hannaan si cad u jebinaya habraacyada dastuuriga ah, xeer-hoosaadyada Baarlamaanka iyo shuruudda aqlabiyadda laba-meeloodka.
“Dastuur lagu beddelo cadaadis, laaluush iyo habraac ka leexsan sharciga ma noqon karo dastuur qaran oo mideeya ummadda Soomaaliyeed, mana yeelan karo sharciyad siyaasadeed oo lagu dhisi karo dowladnimo saldhigata,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Golaha Mustaqbalka.
Golaha Mustaqbalka ayaa caddeeyay inuu aqoonsan yahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee 2012, kaas oo ah heshiiska qaran ee saldhigga u ah midnimada dalka, federaalka, awood-qaybsiga, nidaamka baarlamaaniga ah iyo doorashooyinka afarta sano mar.
Sidoo kale, Golaha ayaa ugu baaqay dowlad-goboleedyada, saamilayda siyaasadda iyo hoggaanka Baarlamaanka inay difaacaan nidaamka dastuuriga ah iyo sharciga dalka.
Beesha caalamka ayay ka dalbadeen inay si cad oo fagaare ah u muujiyaan mowqifkooda ah in wax-ka-beddel kasta oo dastuurka lagu sameeyo uu noqdo mid sharci ah, loo dhan yahay, hufan, kuna dhisan heshiis qaran.
SIRDOON & QISO
Qisada Ninkii Siliga ku dilay Xaaskiisa | Qisadeena Labaad
SIRDOON & QISO
Basaasadii Cuuryaanka aheyd | Virginia Hall |
SIRDOON & QISO
Basaasadii Masar ku beertay ciidanka ISR |
SIRDOON & QISO
Shabakadii BASAAS ee Kalkaalisada ka aheyd ka GAZA |
