Muqdisho (Adduun.com) – Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kana soo jeedo Puntland ayaa maalintii laga celiyay Garoowe, xilli ay doonayeen inay ka qayb-galaan wada-tashi uu ugu yeeray madaxweyne Saciid Deni.
Xildhibaannada oo mar kale saaka tegay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa laga hor istaagay inay ka baxaan, taas oo keentay in mar kale uu baaqdo safarkooda.
Sida ay ogaatay Adduun.com, waxaa maanta amar culus dul-dhigay xildhibaannadaas guddoonka labada Aqal oo ciidanka Nabad-sugidda garoonka faray in uusan jirin xildhibaan bixi kari, isaga oo aan fasax ka heysan guddoonka.
Intaas kadib xildhibaannada ayaa dib isaga soo laabtay garoonka, waxaana qaarkood oo la hadlay warbaahinta ay dhaleeceeyeen madaxda dowladda.
Arrintan ayaa sii hurisay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan gudaha dalka, iyada oo madaxweynaha Puntland oo shir jaraa’iid qabtay uu waxa dhacay ku tilmaamay ‘fal-dambiyeed dil ah’, kadib markii shalay hawada laga celiyay diyaaraddii ay la socdeen xildhibaannada oo ku socotay magaalada Garoowe.
“Intaas waxaa loo sameynayaa oo hadddana loo diiday xildhibaannada usoo socday deegaan doorashadooda inay la tashi soo sameeyaan waa in ay DFS ku foogan tahay inay afduubto sharciga iyo kala dambeynta dowladnimada” ayuu yiri Saciid Deni.
Waxaa kale oo uu kusii daray “Ficilka maanta dhacay waa afduub loo gaystay dadkii rakaabka ahaa ee isugu jiray shacabka iyo mas’uuliyiinta dadkaa laga afduubay inay Garoowe soo aadaan ee hadda ku xayiran garoonka Aadan Cadde waxaan ka codsaneynaa dadka waxgaradka Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiinta damiirka uu weli ku haray inay dadkaas xorriyadooda siiyaan”.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo isaguna cambaareeyay is-hortaaga lagu sameeyay xildhibaannada ayaa shaaca ka qaaday in arrintan ay uga sii dareyso khilaafka taagan, maadaama horay loogu kala tegay wada-hadalladii u socday labada dhinac, isla markaana dalka uu ku jiro xilli kala guur ah.
“Go’aankan wuxuu sii fogeynayaa khilaafka xilli dalka ku jiro marxalad kala guur ah oo u baahan deganaasho, wada-tashi iyo is-afgarad qaran” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.
Ugu dambeyn wuxuu golaha hoosta ka xariiqay in xilligan adag ay lagama maarmaan tahay in hoggaanka dalka uu muujiyo xilkasnimo iyo biseyl siyaasadeed, iyadoo la ixtiraamayo nidaamka federaalka ee uu qaatay dalka.
SIRDOON & QISO
Qisada Ninkii Siliga ku dilay Xaaskiisa | Qisadeena Labaad
SIRDOON & QISO
Basaasadii Cuuryaanka aheyd | Virginia Hall |
SIRDOON & QISO
Basaasadii Masar ku beertay ciidanka ISR |
SIRDOON & QISO
Shabakadii BASAAS ee Kalkaalisada ka aheyd ka GAZA |
