Tehran (Adduun.com) — Markii ay Israa’iil iyo Mareykanku billaabeen duullaankooda ka dhanka ah Iiraan, ujeeddada asaasiga ah ee laga lahaa waxay ahayd in si degdeg ah xukunka looga tuuro nidaamka Tehraan. In kasta oo natiijadaas ay weli si rasmi ah miiska u saaran tahay, farriimihii ugu dambeeyay ee ka imanaya Washington ayaa muujinaya in dib-u-qiimeyn lagu sameeyay qorshahaas bilowga ahaa.
Xaaladda ka jirta dhulka ayaa ku guuldareysatay inay dhaliso naxdintii iyo kacdoonkii shacab ee la filayay inay horseedaan in Iiraan ay gudaha ka dunto. Sida uu dagaalku u galay maalintiisii afaraad, waxa uu u fiday qaab baaxad leh. Beddelkii uu nidaamka Jamhuuriyadda Islaamiga ah burburi lahaa, waxa uu qaatay xeelad adkeysi ah, isagoo weerarro khasaare geystay la beegsaday goobo lala xiriirinayo cadowgiisa.
Xaaladdan ayaa ku qasbeysa Mareykanka iyo Israa’iil inay dib u qaabeeyaan qorshehoodii xukun-ka-tuurista iyo fikradihii ay ka qabeen in Iiraan ay oggolaan doonto wadahadal.
Geeridii Hoggaamiyihii Sare ee Iiraan, Cali Khamenei, kaddib, Tehraan waxay wada-hadal u aragtaa mid aad u fog. Sidaa darteed, Iiraan ayaa si qabow uga jawaabtay baaqyada diblomaasiyadeed ee dalalka gobolka, iyadoo si cad uga digtay waddamada martigeliya saldhigyada iyo hubka milateri ee Mareykanka.
Tani ma ahan oo keliya madax-adayg ku saleysan fikir, balse waa qiimeyn xeeladeed oo xaqiijinaysa in wada-hadal ama xabbad-joojin aan dhalin isbeddel dhab ah ay horseedi karto weerar ka sii weyn mustaqbalka dhexe.
Laba arrimood oo la taaban karo ayaa sii xoojinaya walaacan. Marka hore, maamulka Mareykanka laftiisa ayaa qirtay in dagaalku uusan noqon doonin mid gaaban ama xaddidan. Janaraal Dan Caine, oo ah guddoomiyaha Taliyeyaasha Ciidamada Mareykanka, ayaa xarunta Pentagon-ka ka sheegay in “la filayo khasaare dheeraad ah”.
Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth ayaa isku dayay in uu dejiyo cabsida isagoo yiri, “Kani ma ahan Ciraaq. Ma ahan mid aan dhammaad lahayn.” Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa isna ku celceliyay hadalkan, si loo yareeyo walaaca isa soo taraya ee laga qabo in wejigii koowaad ee weerarrada uusan dhalin guulihii la filayay.
Intaa waxaa dheer, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa sii ballaariyay yoolalka howlgalka, isagoo xusay in Mareykanku doonayo in uu tirtiro awoodda gantaallada ballistic-ga ee Iiraan. Rubio waxa uu sheegay inay hayaan bartilmaameedyo ayna qaadi doonaan tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah inta ay qaadanayso si loo gaaro yoolalkaas. Tani waxay caddaynaysaa in Mareykanka iyo Israa’iil ay aad uga fog yihiin xaqiijinta natiijooyinkii istaraatiijiyadeed ee ay markii hore dejiyeen.
Farqiga u dhexeeya yoolalka iyo xaqiiqada ayaa abuuray culeys ah in la helo waddo cusub oo looga baxo dagaalka. Israa’iil ayaa muddo dheer ku doodayay in la rido nidaamka Iiraan ay aakhirkii u baahan doonto ciidamo dhulka ah. Xaaladdan dhexdeeda, in Washington ay istaraatiijiyadeeda ku darto kooxaha mucaaradka Iiraan iyo Kurdiyiinta ayaa u muuqata mid soo ifbaxeysa.
Hadalkii Rubio ee ahaa in aysan hadda diyaar u ahayn ciidamo dhulka ah balse madaxweynuhu leeyahay ikhtiyaaro uusan meesha ka saarayn, ayaa soo jeedinaysa in Mareykanku laga yaabo inuu diyaar u yahay inuu wajaho khatar weyn iyo dagaal dheer si uu u kabo gaabiska istaraatiijiyadeed ee bilowga ah.
Dhaqdhaqaaqa Iiraan ayaa dhankeeda isbeddelay, iyadoo go’aansatay in ay ka tanaasusho weeraradii goosgooska ahaa ee cuslaa ee ay ku haysay Israa’iil, ayna ku beddesho weerarro joogto ah oo baahsan kuwaas oo loogu talagalay in lagu daaliyo awoodaha difaaca cadowga.
Sarkaal sare oo ka tirsan milateriga Iiraan ayaa si furan u qirtay in kastoo isgaarsiinta xarumaha taliska ay go’day markii hore, unugyada ciidamadu ay sameeyeen qorsheyaal beddel ah oo ay ku howlgaleen, haatanna la soo celiyay isku-xirka.
Sarkaalka ayaa yiri: “Awooddeenna ayaa noo oggolaanaysa in aan dagaalkan gobolka ka wadno bilo. Waxaan bixinnay qiimihii ugu sarreeyay – waxaan waynay hoggaamiyaheennii. Laakiin khasaaraha Mareykanka ayaa ka sii badnaan doona. Kaydkeenna iyo qorsheyaasheenna waa kuwa is-waafaqsan.”
Tijaabada adkeysiga Iiraan ayaa mar hore laga dareemay gobolka. Weerarrada naafeynta ah ee Iiraan ay ku beegsatay ugu yaraan lix saldhig milateri oo Mareykanku ku leeyahay Bariga Dhexe ayaa shaki geliyay awoodda difaac ee waddamada Khaliijka ee martigeliya hantida Mareykanka.
Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Qatar ayaa la soo sheegayaa inay wajahayaan khatar ah inuu si dhaqso ah u dhammaado kaydkooda hubka difaaca qaarkood, ayna raadsadeen taageero.
Wadahadal dhex maray Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo madaxda Imaaraadka iyo Qatar, waxaa la soo wariyay in Imaaraadku ka cawday in dalkooda la weeraro iyadoo aan loo adeegsan goob laga weeraro Iiraan, Putin-na uu u ballanqaaday inuu farriintaas gaarsiin doono Tehraan.
Tani waxay muujinaysaa in Iiraan ay si ula kac ah u carqaladaynayso shabakadaha isbahaysiga Mareykanka ee gobolka, iyadoo xusuusinaysa dalalka Khaliijka in haddii Iiraan ay ka badbaaddo wejigan, ay mar kasta geysan karto khasaare intaas ka badan.
Tamarta iyo ganacsiga badda ayaa weli ah aaladda ugu khatarta badan ee xeeladda Iiraan ay ku kordhinayso qiimaha dagaalka. Digniinaha Iiraan ee ku wajahan maraakiibta maraya Marinka Hormuz ayaa cabsi weyn geliyay suuqyada iyo shirkadaha caymiska. Sicirka shidaalka iyo gaaska ayaa cirka isku shareeray, iyadoo Sucuudiga uu xiray warshadiisii ugu weyneyd ee sifeysa saliidda, halka Qatar ay xirtay xaruntii ugu weyneyd adduunka ee soo saarta gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG).
Tehraan ayaa rumeysan in xitaa haddii khasaaraha milateri ee Mareykanka uu xaddidan yahay, carqaladeynta ganacsiga caalamiga ah ay labalaabi doonto qiimaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee dagaalka.
Dhanka gudaha Iiraan, iyadoo aysan muuqan kacdoon shacab oo weyn oo ka dhan ah dowladda, haddana arrin layaab leh ayaa noqotay wadahadallo dhanka khadka taleefanka ah oo la sheegay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta.
Ilo u hadlay Israa’iil ayaa xusay in qowmiyadaha Azaariyinta, Kurdiyiinta, Luuriyiinta, iyo kooxaha Sunniga ah ee waqooyi-galbeed ay u diyaar garoobeen in la kiciyo. Iiraan ayaa qorshahan ku tilmaantay mala-awaal ay Israa’iil ka iibinayso dadka laga tirada badan yahay.
Iiraan ma aysan beegsan oo keliya saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq, balse waxay sidoo kale weerartay ugu yaraan shan xero oo ku yaalla meel u dhow magaalada Erbil oo ay leeyihiin kooxaha mucaaradka Kurdiyiinta Iiraan ee KDPI iyo PAK.
Ugu dambeyntii, muuqaalka soo baxaya ayaa tilmaamaya in jiheynta dagaalka aysan go’aamin doonin guulo ciidan oo degdeg ah, balse ay ku xirnaan doonto isku-geynta khasaaraha labada dhinac.
Mareykanka ayaa dagaalka u arka mid dhalin kara khasaare muddo dheer socda, halka Iiraan ay ugu jawaabayso in ay waqtiga dheereyso oo ay culeyska u qaybiso wejiyo kala duwan oo isku xiran: dhaqaalaha, shidaalka, iyo isbahaysiga gobolka.
Su’aasha ugu weyn ee haatan taagan ayaa dhaafsan Iiraan: Sidee ayay khayraadka iyo baylahda uu dagaalkani banaanka soo dhigay u saameyn doonaan qorshaha istaraatiijiyadeed ee Washington ee ku wajahan Shiinaha? Sidaa darteed, dhibaatada Iiraan ma ahan oo keliya tijaabo goboleed, balse waa tijaabo adag oo lagu eegayo xadka awoodda dhabta ah ee Mareykanka.
SIRDOON & QISO
Qisada Ninkii Siliga ku dilay Xaaskiisa | Qisadeena Labaad
SIRDOON & QISO
Basaasadii Cuuryaanka aheyd | Virginia Hall |
SIRDOON & QISO
Basaasadii Masar ku beertay ciidanka ISR |
SIRDOON & QISO
Shabakadii BASAAS ee Kalkaalisada ka aheyd ka GAZA |
