Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray waddo muhiim u ah reer Muqdisho + Sawirro - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray waddo muhiim u ah reer Muqdisho + Sawirro


Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray, waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, taasi oo uu hirgaliyay maamulka Gobolka Benaadir.

Xasan Sheekh oo ka hadlay munaasabadda xarig jarka ayaa tilmaamay in dhismaha waddadaan ay astaan u tahay dib u soo kabashada iyo horumarka muuqda ee ay ku tallaabsatay Caasimaddu, gaar ahaan dhinacyada amniga, dimuquraadiyadda iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale, wuxuu ku boggaadiyay Maamulka Gobolka Benaadir tallaabada dhaxal reebka ah ee shacabka dib loogu celiyay Canshuurtii laga qaaday.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyey in Soomaaliya ay si dhab ah ugu tallaabsaneyso hirgelinta nidaam dimuqraadi ah oo ku dhisan doorasho qof iyo cod ah, isaga oo siyaasiyiinta hanka leh iyo daneeyaasha kalaba ku booriyay in ay doorkooda ka qaataan hirgalinta himmiladaasi Qaran.

“Hadafkeennu waa in siyaasadda la nidaamiyo oo talada dib loogu celiyo shacabka, suurta galma’ahan in shaqsi ama shaqsiyaad kooban ay go’aan ka gaaraan masiirka Malaayiinta Soomaaliyeed. Doorasho waa Qof iyo Cod ee halloo diyaar garoobo”” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay ganacsada Soomaaliyeed in ay xoogga saaraan tacabka beeraha iyo warshadaha, si looga maarmo ku tiirsanaanta waxyaabaha dalka dibaddiisa laga soo dhoofiyo.

Horay ayuu madaxweynuhu amar ugu bixiyay in si deg-deg ah loo dhiso waddadan, kadib farriin uu u diray guddoomiye Muungaab oo sidaas ku howlgalay.

“Kaabe shaqada kuu taalo waa tan ayuu igu yiri inta Video ii soo diray madaxweynuhu, aniguna waxaan amray in la dhaqaajiyo wadadan” ayu yiri duqa Muqdisho oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda.

Hoos ka daawo sawirrada:-

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard