Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Xasan Sheekh oo looga digay ‘in loo dilo sidii’ madaxweyne Cabdirashiid - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Xasan Sheekh oo looga digay ‘in loo dilo sidii’ madaxweyne Cabdirashiid


Muqdisho (Adduun.com) – Wasiiru-dowlihii hore ee Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Farxaan Cali Axmed oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle Tv ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka.

Farxaan ayaa ugu horreyn madaxweyne Xasan Sheekh uga digay inuu qaado waddadii lagu dilay madaxweynihii hore ee dalka Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo uu sheegay inay ahayd dhibaato ka dhalatay doorashooyinkii xilligaas oo la boobay, sida uu hadalka u dhigay.

“Soomaaliya boob kama dhici karo la’isma boobi karo lixdamaadkii doorashooyinkii dalka ka dhacay waxaa ka dhashay dhibaatooyin keenay in uu dhinto madaxweynihii dalka Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo la dilay” ayuu yiri Wasiiru-dowlihii hore ee Wasaaradda Amniga Soomaaliya, Farxaan Cali Axmed.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Ma-hadho ayay reebeysaa dhibaato ayay u abuureysaa madaxda, shacabka iyo dalka Soomaaliyd”.

Sidoo kale wuxuu ka digay in doorashooyinka ka dhacaya dalka in ay lamid noqdaan kuwii 2022-kii, ama lagu shubto.

“Runtii waxaan ka digeynaa in doorashada ay noqoto mid ay ku shubato oo ay dubato, daangeesato DFS. Waxaan rabnaa doorashada soo socota in aysan lamid noqon tii hore.” ayuu mar kale yiri siyaasiga Farxaan Cali Axmed.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Muqdisho ay ka socdaan shirar siyaasadeed oo ku aadan xaaladda cakiran ee dalka, kuwaas oo u dhexeeya madaxda dowladda iyo kuwa mucaaradka oo ka wadahadlayo xiisadda taagan.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa mid ka mid ah caqabadihii ugu adkaa, maadaama ay dhinacyadu isku fahmi la’yihiin hannaanka doorashooyinka iyo wax ka bedelka Dastuurka oo ay weli ku howlan tahay Villa Soomaaliya.

Waxaa kale oo jirta xaalad adag oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee ka jira qaybo kamid ah dalka, taas oo si xoogan u saameysay dadka iyo duunyadaba

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard