Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Xasan Sheekh oo isbeddel ku sameeyay hoggaanka ciidanka cirka - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Xasan Sheekh oo isbeddel ku sameeyay hoggaanka ciidanka cirka


Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa taliye cusub u magacaabay Taliska Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, xilli dib u habeyn ballaaran lagu sameeyay taliska.

Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, oo loo yaqaan Cabdirisaaq Eritrea ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed.

Cabdirisaaq ayaa ka mid ahaa saraakiishii gacanta ku haysay malafka ciidamada qalabka sida ee tababarka loogu diray dalka Eritrea.

Sarkaalkan ayaa lagu tilmaamay mid hawl-kar ah oo si wanaagsan u yaqaanna nidaamka ciidamada, waxaana la rumeysan yahay inuu door muhiim ah ka qaadan doono tayeynta iyo dib-u-habeynta Ciidanka Cirka.

Sanadihii u dambeeyay, dib-u-soo-kabashada iyo awoodda howlgal ee Ciidanka Cirka ayaa si weyn u kordhay, iyadoo la helay diyaarado iyo qalab muhiim ah oo ka qeyb qaata sugidda iyo sare u qaadista awooddooda.

Soomaaliya ayaa haatan haysata diyaarado dagaal oo intooda badan laga keenay Turkiga, kuwaas oo ay kaxeeyaan duuliyayaal Soomaali ah oo dhallinyaro ah, kuwaas oo dibadda lagu soo tababaray.

Waxaa sidoo kale qorshuhu yahay in dhowaan la keeno diyaarado cusub oo dheeraad ah, si loo xoojiyo awoodda Ciidanka Cirka iyo doorkooda difaaca dalka.

Si kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe xoogga saartay horumarinta Ciidanka Cirka iyo Ciidanka Badda, iyadoo taageero ka helaysa dalal kala duwan, gaar ahaan Turkiga, oo dalka keenay diyaarado casri ah oo lagu xoojiyay awoodda ciidamada.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard