Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Xasan Sheekh oo caawa qaadaya tallaabo weyn kadib ansixintii dastuurka ee BF - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Xasan Sheekh oo caawa qaadaya tallaabo weyn kadib ansixintii dastuurka ee BF


Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu caawa saxiixo dhameystirka dastuurka dalka, oo maanta uu ansixiyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddooyinkii dambe si weyn u riixayay dhammaystirka dastuurka iyo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna tallaabada maanta u arkaa mid uga adkaaday mucaaradka kasoo horjeeda.

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay cutubyada 4-aad illaa 15-aad oo ay horay uga doodeen, maadaama wax ka beddal lagu sameeyay, sida uu sheegay guddoonka.

Kooramka Xildhibaannada ayaa la sheegay inuu ku furmay 186 Mudane oo Golaha Shacabka ah iyo 36 Senator oo Aqalka Sare ah, kuwaas oo cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay cutubyada 4-aad illaa 15-aad oo ay horay uga doodeen, maadaama wax ka beddal lagu sameeyay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku dhawaaqay natiijada ayaa sheegay in 36 Senator oo hoolka joogtay iyo Senator maqan uu Online ku codeeyay, halka 185 Xildhibaan oo Golaha Shacabka ahna ay haa ku wada codeeyeen.

Tan ayaa ah guul wayn oo usoo hoyatay Villa Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu dadaal xooggan geliyay dhammaystirka Dastuurka Soomaaliya.

Si kastaba, dhameystirka dastuurka ayaa weli wajahaya khilaaf hor leh, iyadoo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu si adag u diiday wax-ka-beddelka dastuurka ee maanta uu ansixiyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Golaha ayaa sheegay in go’aanka maanta kasoo yeeray guddoonka baarlamaanka kadib codeyn la sheegay in loo qaaday dhameystirka dastuurka, lagu fuliyay hannaan si cad u jebinaya habraacyada dastuuriga ah, xeer-hoosaadyada baarlamaanka, iyo shuruudda aqlabiyadda laba-meeloodka.

“Dastuur lagu beddelo cadaadis, laaluush iyo habraac ka leexsan sharciga ma noqon karo dastuur qaran oo mideeya ummadda Soomaaliyeed, mana yeelan karo sharciyad siyaasadeed oo lagu dhisi karo dowladnimo saldhigata,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Golaha Mustaqbalka.

Golaha Mustaqbalka ayaa caddeeyay in uu aqoonsan yahay oo keliya dastuurka KMG ah ee 2012, kaas oo ah heshiiska qaran ee saldhigga u ah midnimada dalka, federaalka, awood-qaybsiga, nidaamka baarlamaaniga ah iyo doorashooyinka afarta sano mar.

Sidoo kale, Golaha ayaa ugu baaqay dowlad-goboleedyada, saamilayda siyaasadda, iyo hoggaanka baarlamaanka inay difaacaan nidaamka dastuuriga ah iyo sharciga dalka.

Beesha caalamka ayay ka dalbadeen inay si cad oo fagaare ah u muujiyaan mowqifkooda ah in wax-ka-beddel kasta oo dastuur uu noqdo mid sharci ah, loo dhan yahay, hufan, kuna dhisan heshiis qaran.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard