Muqdisho (Adduun Onine) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa jeediyay khudbad uu kaga hadlay dhalashada bisha Barakeysan ee Ramadaan oo uu ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed ayaa diray farriin ku aadan xaaladda guud ee dalka.
Ugu horreyn madaxweynaha ayaa ka hadlay xaaladda adag ee dalka, gaar ahaan abaaraha ka jira gobollada, isaga oo ku baaqay in loo gurmado dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha, kuna dhibaateysan gudaha dalka.
“Sida aan wada ognahay dalka waxaa xilligan la joogo ka jira abaar aad u daran oo dad iyo duunyaba saameysay waxaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in aan isu gurmano oo loo guntadu sidii aan u caawi lahayn dadkeenna ee ay abaartu saameysay, intii aan gacan kale wax ka sugi lahayn” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in bishaan Ramadaan looga faa’ideysto sidii loo ilaalin lahaa midnimada iyo wadajirka bulshada, sidoo kalena la xalliyo khilaafaadka weli ka jira dalkeenna.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in dowladdiisa ay diyaar u tahay wada-hadal iyo is-qancin, si meesha looga saaro khilaafka soo laa laabtay.
“DFS waxaa ka go’an in ay geed gaaban iyo geed dheer u fuusho xal u helista wax kasta oo ragaadinaya midnimada iyo horumarka dalka, iyadoo loo marayaayo wada-hadal iyo is-qancin” ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh
Waxaa kale oo uu u mahad-celiyay Ciidamada Qalabka Sida oo har iyo habeen qorraxda iyo dhaxanta u taagan badbaadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku bogaadiyey dadaalka muuqda ee ay geliyeen sugidda amniga, xoreynta iyo xasilinta dalka, waxaana uu bulshada ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan ilaalinta danta guud oo uu amnigu ugu horreeyo, midnimada iyo wadajirka.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah oo ka dhalatay is mari-waaga ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka Dastuurka, waxaana arrintaas sii dheer xaalad kale oo ka dhalatay abaaraha ka jira dalka.
SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
