Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynana Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa manta ka qayb galay munaasabad ballaaran oo ay Haweenka kasoo jeeda maamulkaas ku muujiyeen taageeradooda ku aaddan hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah.
Ujeedka munaasabadda oo ay soo qabaqaabisay Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa ahaa mid lagu muujiyey doorka haweenku ay ku leeyihiin horumarinta dimuqraadiyadda, nabadda iyo dhismaha dowladnimo casri ah oo ku dhisan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Ugu horreyn Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa faahfaahiyey qorshaha Dowladda ee hirgelinta doorashooyinka tooska ah, isaga oo shaaciyay in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay noqon doonto deegaanka ugu horreeya ee dalka laga hirgeliyo doorashooyinka qof iyo codka ah, ayna ka go’an tahay in shacabka Soomaaliyeed ay helaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee doorashooyinka tooska ah.
Sidoo kale, wuxuu Madaxweynaha ugu baaqay dhammaan bulshada Koonfur Galbeed in ay xoojiyaan wada noolaanshaha, is ixtiraamka iyo taageerada geeddi socodka dimuqraadiyeynta dalka, si loo xaqiijiyo horumar waara.
Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Baydhaba, isaga oo carrabka ku dhuftay in aan wax dambi ah loo haysan saraakiishii iyo mas’uuliyiintii maamulkii hore ee Koonfur Galbeed, kuna baaqay in laga gudbo khilaafaadkii hore si loo wada dhiso mustaqbal mideysan.
Shalay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidaan oo kae ula kulmay odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed, isaga oo kala hadlay qorshihiisa ku aadan maamulka, maadaama uu dhacay isbeddel wayn, meeshana laga saaray madaxweyne hore Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah odayaasha ugala hadlay hannaanka dhismaha maamulka cusub iyo sidii ay u qaadan lahaayeen doorkooda, maadaama la galayo doorasho, si loo helo baarlamaan iyo madaxweyne cusub.
Kulamadan waxaa barbar socda kuwa kale oo ay wadaan hoggaamiyaha kumel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Jabriil Cabdirashiid Xaaji iyo xubnaha golaha wasiirada ee ku sugan Baydhaba, waxaana dhammaantood diiradda lagu saarayaa sidii looga gudbi lahaa xaaladda kala guurka ah ee maamulka.
Si kastaba ha’ahaatee magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay waxay haatan martigelineysaa madax culus oo ay kamid yihiin madaxweyne Xasan Sheekh, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, xidhibaanno, wasiirro iyo dhammaan taliyeyaasha ciidamada qalabka sida oo gaaray magaaladaasi.

