Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Xasan oo meesha ka saaray arrin laga cabsi qabay oo la xiriirta qodista shidaalka - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Xasan oo meesha ka saaray arrin laga cabsi qabay oo la xiriirta qodista shidaalka


Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud oo maanta ka qayb-galay munaasabadda soo dhoweynta markabka qodaya shidaalka ee Çağrı Bey ayaa meesha ka saaray in soo saarista shidaalka ay Soomaalida u horseedi doonto inay is-dilaan, xilli si rasmi ah loo billaabayo howlaha qodista shidaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in Soomaaliya khayraadkeedu uu gaari doono dhammaan dadkeeda, sidaas darteedna uu dalkeenna u horseedi doono horumar ballaaran.

“Kheyraadka dalkeenna oo shidaalku ka mid yahay ma noqon doono mid dadkeenna isku dira. Waxa uu noqon doonaa mid dadkeenna horumariya oo dowladnimadeenna kor u qaada,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray “Dowladdu mudnaan gaar ah ayay siinaysa in kheyraadka dabiiciga ah looga faa’iideeyo si mas’uuliyad leh oo shacabka Soomaaliyeed dan u ah.”

Sidoo kale, waxa uu si cad u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay maareyn hufan oo caddaalad ku dhisan, si dakhliga ka soo baxa kheyraadka shidaalka loogu beddelo adeegyo bulsho, horumar dhaqaale iyo xasilooni waarta.

“Faa’iidada laga helo kheyraadkaasi waxay gaari doonta dhamaan umadda Soomaaliya meel kasta oo ay joogaan dalka. Ma ahan ceelka intan ayaa laga soo qoday qoladan ayaa iska leh oo qaadaneysa, kheyraadka dabiiciga ah waa hanti umadeed, wuxuuna gaaraya dhamaan umadda Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweynuhu.

Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ka faa’iideystaan fursaddan taariikhiga ah, isla markaana ay ka shaqeeyaan ilaalinta nabadda iyo xasilloonida, si loo xaqiijiyo in horumarka ka dhasha shidaalka uu gaaro dhammaan bulshada Soomaaliyeed, kana qeyb qaato dib u dhiska iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Hoos ka daawo muuqaalka

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard