Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb-galay shir heer sare ah oo ku saabsanaa mustaqbalka Qaramada Midoobay.
Shirkan oo ka qabsoomay magaalada Addis Ababa, kana mid ahaa kulan-doceedyada muhiimka ahaa ee Shir-madaxeedka Midowga Afrika ayuu madaxweynuhu kusoo bandhigay muhiimadda in Afrika ay hesho kursi joogto ah oo Golaha Ammaanka ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Afrika ay door muuqda ku leedahay ajandaha nabadda iyo amniga caalamka, iyadoo dalalka qaaraddu ay hormuud ka yihiin hawlgallada nabad ilaalinta iyo dadaallada xasillinta.
Waxa uuna caddeeyay in qaaraddu weli ka maqan tahay matalaad joogto ah ee Golaha Ammaanka, arrintaas oo u baahan dib u eegid degdeg ah.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku baaqay midnimo iyo diblomaasiyad joogto ah si loo xaqiijiyo dib-u-habayn dhab ah oo ku dhisan caddaalad iyo sinaan.
Mudane Xasan ayaa adkeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta iyo cusboonaysiinta Qaramada Midoobay, si loo dhiso nidaam caalami ah oo ay dhammaan qaaraduhu ku leeyihiin ka-qaybgal iyo matalaad loo siman yahay.
Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha ayaa adkeeyay in loo baahan yahay dib-u-habayn lagu waafajinayo nidaamka caalamiga ah duruufaha maanta jira, si loo xoojiyo waxtarka iyo kalsoonida lagu qabo hay’adda, xilli Qaramada Midoobay ay saameeyeen caqabado ay ka mid yihiin colaadaha daba dheeraaday, loollanka siyaasadeed iyo cadaadisyo dhaqaale.





SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
