Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Xasan oo cambaareeyey Iran kadib wad-hadallo uu la yeeshay boqorada laba dal - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Xasan oo cambaareeyey Iran kadib wad-hadallo uu la yeeshay boqorada laba dal


Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo dhanka telefoonka kula hadlay Boqor Cabdalla binu Al-Xuseen, Boqorka Urdun iyo Sheekh Tamiim binu Xamad, Amiirka Qatar ayaa si adag u dhalleeceeyay weerarrada Iiraan.

Madaxweynaha ayaa duqeymaha Iiraan ee dalalkan ku tilmaamay kuwo gardarro ah, iyadoo uu adkeeyay mowqifka adag ee Soomaaliya ee ku aaddan garab istaagga Dowladda Qatar iyo Boqortooyada Urdun.

Wada-hadalkan, hoggaamiyeyaashu waxa si qoto dheer uga hadlene xaaladda gobolka, xiisadaha iyo iskahorimaadyada milatari ee Bariga Dhexe.

Sidoo kale waxay muujiyeen muhiimadda ay leedahay dejinta xaaladda, yareynta xiisadaha iyo xoojinta dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey mowqifka adag ee Soomaaliya ee ku aaddan garab istaagga Dowladda Qatar iyo Boqortooyada Urdun oo dowladda Iiraan kala kulmay duqeymo gardarro ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyey mowqifka carbeed ee mideysan, isagoo muujiyey in weerar kasta oo lagu qaado dhulka dalalkaas walaalaha ah uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, caqabadna ku noqonaya nabadda iyo xasilloonida mandiqadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u muujisay garab istaaga dalalka Khaliijka Carabta oo duqeymo kala kulmaya Iiraan, kadib howlgalka wadajir ah ee Mareykanka iyo Israa’iil ka wadaan gudaha Iiraan.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarradan oo geystay burbur iyo khasaare bani’aadamnimo ay yihiin kuwo si cad ugu xadgudbay madax-bannaanida iyo xurmada dalalkaasi.

Wasaaradda ayaa caddeysay in Soomaaliya ay si buuxda u taageereyso dalalka Khaliijka ee la weeraray, iyadoo ku dhiirrigelisay inay qaadaan tallaabo kasta oo ay u arkaan mid sharciga waafaqsan oo lagu difaacayo amniga, laguna ilaalinayo dadkooda iyo dhulkooda.

“Soomaaliya waxay caddeyneysaa sida ay uga xun tahay dhibaatada ka taagan gobolka, waxayna garab taagan tahay waddamada ay saameeyeen falalkaas hubeysan, iyadoo ugu horreyn xustay taageerada buuxda ee ay siinayso Sucuudi Carabiya, Kuweyt, Urdun, Qadar iyo Saldanadda Cumaan,” ayaa lagu yiri qoraalka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard