Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Xasan o qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda + Sawirro - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Xasan o qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda + Sawirro


Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan sii wato howlihiisa shaqo, gaar ahaan dadaalka uu ugu jiro hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo ka dhaca dalka..

Xasan Sheekh ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah madaxda Ururrada siyaasadda dalka ee is-diiwaangeliyay, isaga kala hadlay xaaladda guud ee siyaasadda dalka iyo xoojinta hannaanka curdunka ah ee dimuqraadiyadda.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta ka dhageystay talooyin iyo aragtiyo ku saabsan horumarinta nidaamka doorashooyinka iyo sidii loo xaqiijin lahaa ka qaybgal siyaasadeed oo loo dhan yahay, arrintan oo timid, kadib markii ay fashilmeen wada-hadalladii uu kula jiray Golaha Mustaqbalka.

Waxaa kale oo uu ururrada uu la kulmay ku booriyay in ay sii xoojiyaan wada shaqaynta, isla markaana ay si firfircoon uga qayb qaataan doorashooyinka qof iyo cod ee la qorsheynayo in laga qabto gobollada dalka.

Dhankooda, Madaxda Ururrada siyaasadda ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay midnimada, wadatashiga iyo ilaalinta xasilloonida siyaasadeed, si loo xaqiijiyo dowladnimo dhameystiran iyo hannaan dimuqraadi ah oo ku dhisan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Kulankan oo kusoo dhammaaday jawi deggan ayaa waxaa madaxweynaha ku wehlinayay, ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, wasiirka arrimaha gudaha Mudane Cali Xoosh, wasiirka cadaaladda iyo dastuurka Mudane Xasan Macalin iyo agaasimaha guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqdo in ku adkeysanayo go’aankiisa qabashada doorasho qof iyo cod ah iyo wax ka beddalka Dastuurka oo ay iska diideen Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka oo ay is mari waayeen Villa Somalia,

Si kastaba, dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadaya, xilli si weyn isha loogu hayo xaaladda dalka, waxaana ay dadka ay is weydiinayaan halka ay ku dambeyn doonto xiisadda, maadaama waqtigii uu gabagabo yahay, hadane heshiis laga gaari waayay, sida loo wajahayo waqtiga kala guurka. 

 

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard