ARUSHA (Adduun.com) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo saaka u duulay magaalada Arusha ee dalka Tanzania ayaa maanta ka qayb-galaya meertada 25-aad ee shir madaxeedka Dalladda Bulshada Bariga Afrika, kaas oo ka wada qayb-galayaan siddeeda madaxweyne ee ku jira Ururka ee kala ah madaxweyneyaasha dalalka Tanzania, Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi, South Sudan, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo iyo Somalia.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu socdo shirka ka jeedin doono khudbad uu kaga hadli doono doorka Soomaaliya ee ajendeyaasha miiska saaran oo ay ugu muhiimsan tahay ka qayb-qaadashada horumarinta Dalladda oo ay hadda xubin buuxda ka tahay Somalia.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa inta uu joogo Tanzania la kulmi doona madaxda sare ee dalka Tanzania iyo hoggaamiyeyaasha kale ee ka qayb-galaya shirka, si ay uga wada-hadlaan xiriirka ka dhaxeeya dalalkooda iyo ajendaha shirka.
Wafdiga uu hoggaaminayo madaxweynaha ayaa waxaa ku jira wasiirro ka tirsan XFS, kuwaas oo iyana lagu wado in ay kulamo gaar gaar ah la yeeshaan dhiggooda ka socda dalalka xubnaha ka ah ururka EAC
Safarkan ayaa imanaya xilli Dowladda Federaalka ay muddooyinkii dambe waday dadaallo lagu xoojinayo matalaadda Soomaaliya ee dalalka xubnaha ka ah EAC, xilli dalka uu si rasmi ah ugu biiray ururkaasi sanadkii 2023.
Soomaaliya ayaa haatan dadaal ku bixinaysa inay ka faa’iideysato fursadaha dhaqaale iyo iskaashi ee ka dhex jira dalalka xubnaha ka ah ururka, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, isu-socodka iyo maalgashiga.
Si kastaba, ka mid ahaanshaha Soomaaliya ee ururka EAC ayaa loo arkaa tallaabo istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo is-dhexgalka gobolka, iyadoo dalka uu doonayo inuu door firfircoon ka qaato horumarka waara, shaqo-abuurka iyo sare u qaadista tayada nolosha ee bulshada Bariga Afrika.
