Connect with us

News

Xarumihii u badnaa ee kooxda Al-Shabaab oo la burburiyay


Muqdisho (Adduun.com) – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada Caalamka ayaa howlgal bartilmaameed ah ka sameeyay deegaanka Arabow oo hoostaga magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe

Howl-galkan ayaa waxa ay ciidanka ku burburiyeen xarumihii ugu waaweynaa ee koocda Al-Shabaab kasoo abaabuli jireen falalka argagixiso.

Xarumaha howlgalkan lagu burburiyay waxaa ka mid ahaa; xaruntii siyaasadda iyo maamulka, xaruntii diyaarinta Qaraxyada, xafiisyadii marin-habaabinta (Al-kataa’ib) iyo xeradii tababarada maleeshiyaadka.

Sidoo kale waxaa howlgalkan lagu burburiyay dhisme ay deganaayeen Horjoogeyaal qaabilsanaa tababarada, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay hay’adda NISA.

Intii uu socday howlgalku waxaa halkaas lagu dilay siddeed xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

“Howlgalkaan ayaa ku soo dhammaaday si guul ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA).

Ciidanka hay’adda NISA oo door weyn ku leh gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa sidan oo kale maalmo ka hor howlgal qorsheysan ku dilay Horjooge Axmed Dhubad Xidig oo magaciisa afgarashadu ahaa Sheekh Aadan Dheere.

Ninkan ayaa kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa Maaliyadda gobolka Banaadir, kadib howlgal si gaar ah loo qorsheeyay oo ka dhacay deegaanka Daniga Baaloow ee gobolka Shabeellaha Hoose, 27-kii Janaayo.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan oo dul tagay guri uu ku dhuumanayay horjoogaha ayaa toogtay, sida lagu xaqiijiyay war-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda NISA.

Horjoogaha ayaa markaas isku dayay in uu dagaal kala hor yimaado ciidanka intii uu socday howlgalka qorshaysan, waana toogteen ciidanka.

Ninkan ayaa kooxda Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2008-dii, isla markaana muddo dheer ku howlanaa baadda iyo boobka hantida dadweynaha ayaa hore kooxda wakiil dhinaca baadda uga soo noqday gobollada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Hoose.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in News