Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Xaqiiqda kulankii dhexmaray Cirro iyo wiilka Trump kadib beentii Somaliland faafisay - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Xaqiiqda kulankii dhexmaray Cirro iyo wiilka Trump kadib beentii Somaliland faafisay


Davos (Adduun.com) – Eric Trump, wiilka Madaxweynaha Mareykanka ayaa meesha ka saaray been ay Somaliland ka faafisay is-araggii Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro iyo isagga ee magaalada Davos ee Switzerland.

Kimberly Benza oo ah Afhayeenka Eric Trump ayaa sheegtay in Eric iyo Cirro ka wada-hadlin arrimo la xiriira iskaashi ama ganacsi toona, ayna aheyd is-aragoodu mid casho.

“Marna Eric Trump kulamo lama yeelan madaxweynaha Somaliland. Sidoo kale, marna kama wada-hadlin deked,” ayey tiri Kimberly Benza.

Benza ayaa sidoo kale sheegtay in Eric Trump uusan wax jawaab ah ka bixin khudbaddii madaxweynaha Somaliland. Halka Somaliland ay sheegtay in Eric iyo Madaxweynaha Israa’iil oo goobtaasi ku sugnaa lagala hadlay arrimaha aqoonsiga iyo xiriirka labada dhinac.

Afhayeenka Eric ayaa si cad meesha uga saartay in wada-hadal rasmi ah ay yeesheen Eric iyo Cirro, iyadoo tiri: “Salaan iyo hadal guud oo kooban oo xushmad ah ayaa la is dhaafsaday, waa intaas uun.”

Waxay intaas kusii dartay “Kamana aysan wada-hadlin siyaasad iyo dhaqaale toona, kulanka waxa uu ahaa mid casho ah, Cirro ayaa is dhinac taagay Eric kuna salaamay khudbaddiisa.”

Dhanka kale, wariye ka tirsan Reuters ayaa sheegay in Madaxweyne Cirro uu galay qolka cashada halkaasi oo Eric Trump iyo Madaxweynaha Israa’iil ku sugnaayeen, kaddibna sawir laga qaaday Eric iyo Cirro oo isa salaamaya.

Arrimahan ayaa meesha ka saaraya marin habaabinta Somaliland iyo hoggaamiyaheeda ku sameeyeen kulanka casho, kaasi oo ay sheegeen in ay magaalada Davos ee dalka Switzerland uu kulan gaar ah ku dhexmaray wiilka madaxweynaha Mareykanka, ayna ka wada-hadleen arrimaha aqoonsiga iyo xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Mareykanka.

Si kastaba, hoggaanka Somaliland ayaa tan iyo markii ay Israa’iil sheegtay inay aqoonsatay dabayaaqadii sanadkii 2025-ka waxay isku dayeysay inay faafiso warar marin-habaabin ah oo xaqiiqda ka fog.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard