Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Xamza oo war kasoo saaray guusha taariikhiga ah ee Soomaaliya gaartay - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Xamza oo war kasoo saaray guusha taariikhiga ah ee Soomaaliya gaartay


Muqdisho (Adduun.com) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay guusha taariikhiga ah ee dhawaan gaartay Soomaaliya, kadib markii ay ku guuleysatay kamid noqoshada Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika.

“Gallad Eebbe weyne iyo dadaalka ay Dawladda Soomaaliyeed gashay, ayaa suurtagal ka dhigay in maanta Qarankeenu dhex-fadhiyo labada hay’adood ee adduunka & Afrika u kala qaabilsan amniga iyo nabadda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza oo qoraal soo saaray.

Sidoo kale waxa uu xusay in dadaalka aan kala harka lahayn ee Dowladda Federaalka Soomaaliya uu suurta-galiyay guushii Janaayo 2025, markaas oo Soomaaliya ku fariisatay mid kamid ah kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

“Guulle ku mahadsan gaarista guulaha aan gaarnay, guud ahaan dowladda iyo Dan-Qaran way ku mahadsanyihiin dadaalka joogtada ah ee ay dalka iyo dadkaba ku hoggaaminayaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Hoos ka aqriso qoraalka Xamza oo dhameystiran:

Gallad Eebbe weyne iyo dadaalka ay Dawladda Soomaaliyeed gashay, ayaa suurtagal ka dhigay in maanta Qarankeenu dhex-fadhiyo labada hay’adood ee adduunka & Afrika u kala qaabilsan amniga iyo nabadda.

Janaayo 2025 wuxuu dalkeena markii ugu horeysay 50 sano ka badan dib-u-fariistay mid kamid ah kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa (UNSC 2025-2026). Waxaana suurtagaliyay arrintaas dadaalkii aan kala harka lahayn ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dhex sameysay dunida, waana ku guuleysanay.

Dadkeenna iyo Dawladdeennuna si aan gabbasho lahayn, ayay ugu istaageen iska-difaacii weerarkii qaawanaa ee ay Isra’il kuso qaadday madax-banaanideena iyo Midnimada Qarankeena.

Bishaan hadda aynu ku jirno ee Feberaayo 2026, waxaa dalkeena usoo hoyatay guul kale oo taariikhi ah, kadib markii aan dadaal, ka go’naansho iyo mudnaansiin lanimid taas oo inoo sahashay inaan ku guuleysano kursi kale oo aan joogto ahayn, balse muhiim u ah difaaca danaha Qarankeena, kaas oo ah kursiga Golaha Midowga Afrika ee Nabadda & Amniga (AUPSC 2026-2028).

Waxaan halkan uga mahad-celinayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee nagala qayb qaatay arintaas miro-dhalinteeda.

Guulle ku mahadsan gaarista guulaha aan gaarnay, guud ahaan Dowladda & Danqaran way ku mahadsanyihiin dadaalka joogtada ah ee ay Dalka & Dadkaba ku hoggaaminayaan.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard