Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Xamza oo ku dhawaaqay arrin uusan ka aqbaleyn mas’uuliyiinta DF kadib kormeer uu ku tegay… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Xamza oo ku dhawaaqay arrin uusan ka aqbaleyn mas’uuliyiinta DF kadib kormeer uu ku tegay…


Muqdisho (Adduun.com) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho.

Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha ayaa u daarnaa si uu qiimeeyn ugu sameeyo heerka adeegyada kala duwan ee loo fidinayo bulshada Soomaaliyeed iyo sida ay u shaqeynayaan hay’adaha ka hawlgala garoonka.

Xamza oo u kuurgalaya habsami u socodka adeegyada muhiimka ah ee garoonka, oo ay ka mid yihiin adeegga caafimaadka, maamulka socdaalka, amniga, iyo howlaha kale ee la xiriira dhoofinta iyo soo-dhaweynta rakaabka ayaa mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada garoonka faray in ay muujiyaan mas’uuliyad dheeri ah.

Waxa uu ku booriyay in mudnaanta siiyaan fududeynta adeegyada loo hayo dadka rakaabka ah, gaar ahaan kuwa ku jira xaaladaha adag ee u baahan tixgelin iyo daryeel gaar ah, wuxuuna si cad u sheegay in aan la aqbali karin in dadka Soomaaliyeed ay cabasho ka muujiyaan adeegyada dowladda.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu dhageystay cabashooyinka iyo tallooyin ay la-wadaageen qaar ka mid ah shacabka safafka ugu jiray helidda adeegga garoonka, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo tayada adeegyada, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan adeeg hufan, degdeg ah, isla markaana waafaqsan heerarka garoomada diyaaradaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ku boorriyey dhammaan hay’adaha ka hawlgala garoonka in ay labanlaabaan dadaalkooda ku aaddan u adeegidda bulshada, ilaalinta sumcadda garoonka,

“Garoonka Aadan Cabdulle waa albaabka koowaad ee dalka laga soo galo, waxaa loo baahan yahay in uu noqdo mid ka tarjumaya horumarka iyo haybadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale wuxuu ballan-qaaday in aan la aqbali karin in dadka Soomaaliyeed ay cabasho ka muujiyaan xarumo dowladeed haddii ay dhacdana ay xukuumaddu tallaabo ka qaadi doonto ciddii ku lug-yeelata,isaga oo xusay in kormeerradii uu hore u sameeyay kadib la xalliyey cabashooyin badan oo ka jiray garoonka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard