Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Xamza oo daah-furay xarun muhiim u ah amniga qaranka + Sawirro - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Xamza oo daah-furay xarun muhiim u ah amniga qaranka + Sawirro


Muqdisho (Adduun.com) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka jaray Xarunta Qaran ee Amniga Saaybarka (SOMCIRT) oo loo diyaariyey ka jawaabista xaaladaha deg-degga ah ee ka dhanka ah amniga Is-gaarsiinta.

Xamza ayaa xusay in daahfurka xaruntan uu muhiimad weyn u leeyahay amniga Qaranka, maadama xiiligan ay adduunyadu u jihaysatay dhanka Tiknoolojiyadda, ayna jiraan falal amniga liddi ku ah oo ka dhaca dhanka Isgaarsiinta, taasi oo ay ka jawaabi doonto xaruntani lagana ilaalin doono macluumaada hey’adaha dowladda iyo guud ahaan dalka.

Sidoo kale, raiisul wasaaraha ayaa guul ku tilmaamay hirgelinta xaruntan oo qaabilsan isku-duwidda iyo ka-jawaabidda amniga saaybarka, soo gudbinta dhacdooyinka amni ee ka dhanka ah Tiknoolojiyadda, iyada oo shacabka Soomaaliyeed laga wacyigalin doono khataraha kaga yimaadda dhanka Isgaarsiinta.

Waxaa kale oo uu sheegay in Xukuumadda DanQaran ay la timid Qorshe lagu horumarinayo Tiknoolojiyadda dalka, kadib markii ay Wasaaradda Boostada iyo Isgaariista XFS, ay soo gudbisay in la hirgaliyo Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka, taasi oo shaqo weyn ka qabatay xaqiijinta amniga dhanka Tiknoolojiyadda iyo horumarinta kaabeyaasha Dijitaalka Qaranka.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusay in xukuumadda Dan-Qaran ay sii wadi doonto hirgelinta mashaariic waaweyn oo horumarineed, kuwaas oo wax ka beddelaya nolosha shacabka, isla markaana xoojinaya kaalinta Muqdisho ee caasimad casri ah.

Si kastaba, ra’iisul wasaaraha ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday qorsheyaal horumarineed iyo isbeddello la xiriira waxqabadka xukuumaddiisa.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale la yimid isla xisaabtan golaha wasiirada ah, isaga oo kormeer ku tegay dhowr xarumood oo muhiim ah, sida garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo cabashooyin ay kasoo yeereen, balse kadib la xalliyay iyo xarumo wasaaradeed oo ku yaalla caasimada oo uu ku tegay booqashooyin, si uu qiimeeyo shaqada ka socota.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard