Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Xamza oo caawa Xalane kula kulmay Deni iyo Madoobe iyo arrin cajiib ah oo dhacday - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Xamza oo caawa Xalane kula kulmay Deni iyo Madoobe iyo arrin cajiib ah oo dhacday


Muqdisho (Adduun.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa caawa kulamo gooni-gooni ah gudaha Xalane kula qaatay madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha iyo labada madaxweyne goboleed ayaa ka wada-hadlay qabsoomidda shirka dowladda iyo Golaha Mustaqbalka, xilli la isku mari la’yahay goobta uu shirka ka dhacayo.

Xamza ayaa isku dayaya inuu hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Jubaland ku qanciyo in shirka lagu qabto Villa Soomaaliya, halka Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay u arkaan in goobta ugu habboon ee uu shirka ka furmi karo ay tahay gudaha Xalane, maadaama ay qabaan walaac amni.

Sida ay ogaatay Adduun.com, Madaxtooyada Jubaland ayaa gebi ahaanba diiday in wax sawir ah laga qaado kulanka Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Madaxweyne Axmed Madoobe.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu koobay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Jubaland oo keliya, iyadoo la reebay wasiirradii iyo mas’uuliyiintii la socotay.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa dhawaan sheegay in uusan aqoonsaneyn madaxweynenimada Axmed Madoobe, taas oo sii adkaysay xiisadda labada dhinac, kuwaas oo hore dagaal u dhexmaray.

Si kastaba ha ahaatee, madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa xaqiijiyay inaysan magaalada Muqdisho ka tagi doonin illaa heshiis buuxa laga gaaro arrimaha lagu muransan yahay, iyagoo Madaxweynaha ugu baaqay inuu si dhab ah u wajaho wada-hadallada loo ballansan yahay.

Madaxda Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale caddeeyay in dalka u baahan yahay badbaado iyo in heshiis laga gaaro hannaanka doorashada, xilli bilo kooban ay ka harsan yihiin muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard