Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Xamza iyo safiirka Qatar oo wada-hadal yeeshay iyo Xamza oo ku dhawaaqay hirgelinta… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Xamza iyo safiirka Qatar oo wada-hadal yeeshay iyo Xamza oo ku dhawaaqay hirgelinta…


Muqdisho (Adduun.com) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar u qaabilsan Soomaaliya, Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al-Nucaymi.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dowladood ee Qatar iyo Soomaaliya, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta arrimaha bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Qatar taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha iyo gargaarka bini’aadantinimo.

Xamza ayaa intii kulanka socday ku dhawaaqay in xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siinayso hirgelinta heshiisyadii iskaashi ee dhowaan ay labada dal kala saxiixdeen.

Heshiisyadan uu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in si rasmi ah loo bilaabayo hirgelintooda ayaa waxay la xiriiraan iskaashiga dhinaca difaaca iyo horumarinta adeegyada bulshada, kuwaas oo qeyb weyn ka qaadan doona tayeynta ciidamada qalabka sida iyo dib u dhiska dalka.

Danjire Dr. Cabdullaahi ayaa dhankiisa caddeeyey in Dowladda Qatar ay ka go’an tahay sii wadista taageerada ay siiso Dowladda Soomaaliya, isagoo boggaadiyey horumarka ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga iyo xasillinta dalka.

Qatar oo kamid ah dalalka sida dhow u taageera Soomaaliya, gaar ahaan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida, ayaa mar kale xoojinaysa taageerada milatari ee dalka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard