Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Wasiiro ka socda DF iyo saraakiil Turki ah oo ka degay Sabiid iyo Caanoole + Ujeedka - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Wasiiro ka socda DF iyo saraakiil Turki ah oo ka degay Sabiid iyo Caanoole + Ujeedka


Muqdisho (Adduun.com) – Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, saraakiil Turki ah iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta gaaray deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Deegaannada ayaa waxaa dib u dejin loogu sameeyey qoysaskii ay kooxda Al-Shabaab ka dumiyeen guryahoodii, kana barakiciyeen deegaanadaas, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Dowladda ayaa markii ay kooxda ka xoreysay deegaanadaas waxay shacabka u ballanqaaday in dib loogu dhisi doono guryihii ay cadowga Khawaarijta ah ka burburiyeen, si looga shaqeeyo dib u soo kabashada bulshada.

Dadka deegaanka ayaa lagu wareejiyay guryo cusub oo loo dhisay, kadib guryahoodii ay burburiyeen kooxihii Khawaarijta ahaa ee deegaannadaas laga xoreeyey.

Sidoo kale, waxaa la gaarsiiyay raashin iyo adeegyo gargaar oo loogu talagalay qoysaska danyarta ah ee ku nool deegaannadaas, si loo xoojiyo nolol maalmeedka bulshada, loona dardargeliyo dib u dhiska deegaannada xorta ah.

“Dad deegaanka ah oo guryahooda ka burburay in dib loogu dhisay, tani waa billow waxaana rajaynayaa intaas iyo ka badan in aan u dhisno,” ayuu yiri taliyaha ciidanka xoogga dalka, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Waxaa uu intaas kusii daray “Adeegyadii maqnaa ayaa dib usoo noqonaya, waxaa naga go’an in uusan deegaankaan markale cadawga dib ugu soo noqon.”

Si kastaba, mashruucan dib u dejinta loogu sameeyay dadkii ka barakacay dagaalladii ka dhacay deegaannada Sabiid iyo Caanoole ayaa waxaa iska kaashaday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga, iyadoo inta la dhisay loo bixiyay tuullada SomTurk.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard