Muqdisho (Adduun.com) – Waiiru Dowlaha Wasaaradda Difaaca Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Cabdi oo maanta shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan wada-hadallada la filayo inay u bilowdaan Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka.
Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in dalka looga taliyo Xarunta Madaxtooyada, isla markaana ay ku qasban yihiin inay tegaan madaxda Jubbaland iyo Puntland oo haatan ka caga jiidayo in Xasan Sheekh ay ugu tegaan xafiiskiisa.
“Waddankan Villa Soomaaliya ayaa la xukumaa wayna imaanayaan oo waa ay ku qasban yihiin Villada”. ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Difaaca.
Sidoo kale, wuxuu weerar afka ah ku qaaday xildhibaannada mucaaradka oo uu ku eedeeyay inay gabeen shaqadooda, isla markaana ay buuq la joogaan dibadda Baarlamaanka, maadaama laga saaray kulmada golaha
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan xaaladda dalka ay cakiran tahay, isla markaana uu taagan yahay is mari-waa u dhexeeya xubnaha mucaaradka iyo hoggaanka dalka, kaas oo ka dhashay doorashooyinka.
Kulamo siyaasadeed oo iska soo horjeedo ayaa hadda ka socda caasimada oo marti gelineysa mowjado siyaasadeed oo waa wayn, maadaama ay dhinac uga sugan yihiin Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo la safan mucaaradka dalka.
Waxaa kale oo aan illaa hadda la ogeyn goorta rasmiga ah ee uu furmi doono shirweynaha ay u ballan yihiin Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka, kaas oo ajendihiisa ugu wayn uu yahay hanaanka doorashada iyo arrimaha dastuurka.
Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa mid kamid ah caqabadihii ugu adkaa ee xagga siyaasadda, waxaana usii dheer abaaraha baahsan ee ka jira dalka.
SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
