Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Wasiir ka tirsan K/Galbeed oo sheegay in DF ay bartilmaameedsatay – Maxaa dhacay maanta? - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Wasiir ka tirsan K/Galbeed oo sheegay in DF ay bartilmaameedsatay – Maxaa dhacay maanta?


Muqdisho (Adduun.com) – Wasiirka Caafimaadka Maamulka Koonfur Galbeed, Saciid Axmed Cali oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay si gaar ah u bartilmaameedsatay kadib markii ay ka hor istaagtay inuu ka duullo garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in hay’adaha amniga ee garoonka Muqdisho ay si aan gambasho laheyn u bartilmaamsadeen dhammaan madaxda iyo mas’uuliyiinta reer Koonfur Galbeed ee saaka safarka u ahaa magaalada Baydhabo.

“Waxaan si xoog leh u cambaareynayaa in ‘aniga’ si gaar ah la ii bartilmaamsado, iyada oo shaqaalaha shirkadda diyaaradaha lagu amray in aysan xitaa ii jari karin boarding bus, iska daa in aan u gudbo hoolka diyaaradaha lagu sugo, halkaas oo ay ku sugnaayeen dhammaan madaxdii ila socotay,” ayuu Wasiir Saciid ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale wuxuu ku yiri: “Dowladda Federaalka, waxaan leenahay dhabaha iyo tajaribooyinka aad qaadeysaan waa kuwii aad hore u soo tijaabiseen, uguna soo fashilanteen; ee kuwii hore casharro ha idin noqdeen. Maanka iyo maskaxda ha idin soo laabato.”

Waxaa maanta garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde loo diiday in ay ka dhoofaan wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, oo maalmahan ku sugnaa Muqdisho, si ay qayb uga noqdaan dhaq-dhaqaaqyada ka socda magaalada Baydhabo, halkaas oo shalay uu gaaray Madaxweyne Lafta-gareen oo diyaarad qaas ah ay kasoo qaaday dalka Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidan oo kale shalay duulimaadyada u diiday magaalada Baydhabo, sabab la xiriirta xiisadda ka dhexeysa Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka, iyada oo la isku hayo arrimaha doorashooyinka maamulkaasi.

Arrimahan ayaa uga sii daraya khilaafka labada dhinac, iyadoo shalay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ay ku dhawaaqday in gebi ahaan ay xiriirkii u jartay Dowladda Federaalka Soomaaliya, go’aankaas oo ay iyaduna cambaareysay xukuumadda Muqdisho.

Hoos ka aqriso oo qoraalka wasiirka oo dhameystiran:

Waxaan ummadda Soomaaliyeed u caddeyneynaa in garoonkii Soomaaliyeed ee Aadan Cadde uu noqday jidgooyo dadka reer KGS lagu dhibaataynayo, iyada oo amarkaasi ay bixiyeen madaxda ugu sareyso ee DFS.

Waxaa ayaan daro ah in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay maalinkii 2aad si ku tala-gal ah ay is-hor-istaag ku sameyso duulimaadyadii shacabka ee magaalada Baydhabo.

Sidaas si lamid ah, hey’adaha amniga ee garoonka magaalada Muqdisho ayaa si aan gambasho laheyn u bartilmaamsaday dhammaan madaxda iyo mas’uuliyiinta reer KGS ee saakay safarka u ahaa magaalada Baydhabo.

Waxaan si xoog leh u cambaareynayaa in “aniga” si gaar ah la ii bartilmaamsado, iyada oo shaqaalaha shirkadda diyaaradaha lagu amray in aysan xitaa ii jari karin boarding bus, iska daa in aan u gudbo hoolka diyaaradaha lagu sugo, halkaas oo ay ku sugnaayeen dhammaan madaxdii ila socotay.

Dowladda federaalka, waxaan leenahay dhabaha iyo tajaribooyinka aad qaadeysaan waa kuwii aad hore u soo tijaabiseen, uguna soo fashilanteen; ee kuwii hore casharro ha idin noqdeen. Maanka iyo maskaxda ha idin soo laabato.

Aan markale ku celiyo; mabda’eyga difaacidda qadiyadda KGS waa geed sal weyn oo sinnaba loo jari karin.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard