Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Wasiir Jaamac oo war kasoo saaray go’aanka Golaha Wasiirrada - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Wasiir Jaamac oo war kasoo saaray go’aanka Golaha Wasiirrada


Muqdisho (Adduun.com) – Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ka hadlay go’aanka maanta kasoo baxay Golaha Wasiirrada, kaasi oo ay ku meelmariyeen axdiyo dhowro.

Wasiir Jaamac ayaa uga mahadceliyay Golaha meel-marinta axdiyada muhiimka ah ee ka mid yihiin:

  • Axdiga Caalamiga ah ee Xeerarka Hortagga Isku-Dhacyada Badda (COLREG 1972)
  • Axdiga Caalamiga ah ee Aasaasidda Sanduuqa Caalamiga ah ee Mag-dhawga Waxyeellada Wasakheynta Shidaalka (1992)
  • Axdiga Caalamiga ah ee Iskaashiga,
  • U-diyaar-garowga iyo Ka Jawaabista Wasakhowga Saliideed (1990)

Jaamac ayaa sheegay in meel-marinta axdiyadan ay muujinayso dadaalka joogtada ah ee lagu xoojinayo badbaadada, ilaalinta deegaanka badda, iyo kor u qaadista sumcadda iyo kalsoonida Soomaaliya ee saaxadda caalamiga ah.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inay laf-dhabar u yihiin horumarinta iskaashiga caalamiga ah ee gaadiidka iyo ganacsiga badda, iyagoo waafaqsan heerarka iyo xeerarka caalamiga ah.

Wasiir Jaamac ayaa carrabka ku adkeeyay in tallaabooyinkan istiraatiijiga ah ay qeyb ka yihiin qorshayaasha wasaaradda iyo siyaasadda guud ee xukuumadda Dan-Qaran, ayna si toos ah u taageerayaan hirgelinta qorshaha isbeddelka qaranka (NTP), difaacidda danaha qaranka, iyo sare u qaadista kaalinta Soomaaliya ee ganacsiga iyo gaadiidka badda ee heer gobol iyo mid caalami ah.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard