Muqdisho (Adduun.com) – Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qoraal kooban soo saaray ayaa si kulul uga hadlay xaaladda kacsan ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, isaga oo si kulul ugu jawaabay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho.
Lafta-gareen ayaa bannaanka keenay waxyaabo badan qarsoonaa, isaga oo eedeymo waa wayn u jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa.
“Waa la bixihaa, waa la yeelaa, war aniga guri ijaar oo adiga leedahay miyaan ku jiraa” ayuu shalay yiri madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu sii gaar ah Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha dowladda dhexe ku eedeeyay inay ka dambeeyeen dagaalladii ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Baay. Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in ay isku ajende noqdeen Dowladda Federaalka iyo Al-Shabaab, isla markaana ay taasi caddeyn u tahay hub uu tilmaamay in lasoo dhex-marsiiyay Khawaarijta kadibna la geeyay degmada Buurhakaba oo ay joogaan ciidamo maleeshiyaad ah.
Intaas kadib waxaa soo jawaabay Wasiir Jaamac oo oo shaaca ka qaaday in Lafta-gareen uu mar hore ka dhamaaday muddo xileedka, balse uu ku joogay is-faham siyaasadeed, sida uu hadalka u dhigay.
“Duqa ha loo sheego heshiiska kirada guriga uu ku deganaa wuxuu ku ekaa Dec.19. 2022. Wixii ka dambeeyey gurigaas Isfahan ayuu ku deganaa” ayuu yiri Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).
Wasiirka ayaa intaas kusii daray “KGS goob Farmaajo mar labaad loo afduubaayo ma noqoneyso, riyada ka kac ee doorasho qof iyo cod ayaa KGS laga qabanaa”.
Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed ayaa u muuqata mid kasii dareysa iyadoo meelaha qaar ay ka dhacayaan dagaallo toos ah, halka deegaanno kale laga dareemayo abaabul ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyo muujinaya suurtagalnimada isku dhacyo hor leh.
Si kastaba, Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda labada dhinac oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo ay horay u taagnaayeen khilaafaad kale oo ka dhashay doorashooyinka heer Federaal iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka dhawaan la ansixiyay, kadibna uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
