Baydhaba (Adduun.com) – Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa maanta gudoonsiiyay shahaado musharaxnimo wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo u sharraxan soo buuxinta kursiga Golaha Shacabka ee Hop#204.
Kursigan oo muddo banaanaa ayaa waxaa horay ugu fadhiyay Xildhibaan Isaaq Cali Subag, iyada oo hadda la’isla gartay in la soo buuxiyo.
Subag ayaa la sheegay in muda laba kala fadhi ah aanu xaadirin baarlamanka, taas oo hadda keentay in is-faham laga gaaro in lasoo buuxiyo kursigiisa.
Wasiir Jaamac ayaa waxaa la tartami doono Cabdirisaaq Cabdullaahi Nuur oo isna qaatay shahaadada musharraxnimada, iyada oo isla maanta ay dhici doono doorashada.
“Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha ayaa maanta shahaadada musharaxnimada guddoonsiiyey musharaxiinta u tartamaya kursiga HOP#204, kaas oo horay uga bannaanaa Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Doorashada kursigan ayaa galabta ka dhici doonta magaalada Baydhabo, oo ah xarunta Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Waxaa ku tartamaya musharaxiinta kala ah: Cabdirisaaq Cabdullaahi Nuur iyo Cabdulqaadir Maxamed Nuur” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga doorashooyinka.
Wasiir Jaamac horay ayuu kursigaan u raadiyay waxaase ka hortaagnaa maamulka Cabdicasiis Lafta-gareen, oo dhawaan laga saaray Baydhaba.
Dhinaca kale, Xildhibaankii ku fadhiyay kursigan ee Isaaq Cali Subag oo isna qoraal ku diray guruubka WhatsApp-ka ee Golaha Shacabka ayaa ku dooday in kursigiisa #HOP204 laga dhacay, isla markaana uusan waxba ka ogeyn in maanta Baydhabo loogu dooranayo Cabdulqaadir Maxamed Jaamac
Waxaa kale oo uu intaas ku daray uusan kursigiisa ka tanaasulin ama iibsan, uuna kasoo horjeedo doorashada ka dhaceysa Baydhabo

