Muqdisho (Adduun.com) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo qoraal soo saaray ayaa si faah-faahsan uga hadlay xarriga loo gaystay qaar kamid ah dhalinyarada Bajaajleyda ee dhowaan dibadbaxa ka dhigay magaalada Muqdisho, iyaga oo ka cabanaya sare u kaca qiimaha shidaalka.
Fiqi ayaa shaaciyay sabab yaableh oo loo haysto dhalinyaradan isaga oo sheegay in ay soo dhex-mareen mucaaradka, isla markaana ay ahaayeen kuwa lasoo abaabulay, hadalladoodana ay siyaasadeysnaayeen, sida uu hadalka u dhigay.
Wasiirka ayaa sidoo kale ku eedeeyay mucaaradka in ay horay sidaan oo kale u adeegaadeen qoysas danyar ah, gaar ahaan dadkii laga saaray xarumaha dowladda, haddane ay weli sii wadaan mashruucyo ay doonayaan in la’isaga horkeeno shacabka iyo dowladdooda.
“Kooxihii madasha calaacalku hadba waxa ay ku soo hoos gabadaan dad masaakiin ama mashruuc ay is leeyihiin dawladda ayaa lagu dhibi karaa. Shalay dad baa la barakicinayaa, mar kale dastuurka arrinkiisa, mar kale shabaab ayaa dhulka qabsanaya, mar kale hebel ayaa la xiray oo saldhigga Wardhiigley ayay ku duueen”. ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Maantay waxay soo fuuleen Dhallinyarada bajaajleyda qaar abaabulan oo ka mid ah oo hadaladooda laga dhex dhadhansan karo in ay siyaasadaysan yihiin!”.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa intaas ku daray in dowladdu ay fursad wayn siisay Bajaajleyda, isla markaana ay horay u xallisay inta badan caqabadihii caqabadihii haystay, gaar ahaan waddooyinka ka xirnaa loona furay.
“Dhallinyarada bajaajleyda dawladda hadda jirta waxa ay siisay fursado aysan weligood helin, waxaa lagu dhibi jiray wadooyin xiran, waa loo furey, waxaa lagu dili isgoysyada si maalinle ah waa dhammaatay ayana, waxay la kulmi jireen qaraxyo joogto ah waa dhammaadeen” ayuu mar kale yiri Fiqi.
Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka aysan aqbali doonin in la kiciyo fowdo, laguna soo gabbado howlo siyaasadeed, iyada oo loo adeegayo shaqsiyaad leh dano gaar ah.
“Cidna dawladda Buste uma soo huwan karto, shidaalka dagaalka bariga dhexe ka socda awgiis u qaaliyoobey dawladda laguma eedeyn karo, suurtagalna ma ahan in wadooyinka umaddu isticmaasho loo xirto oo fowdo la abuuro. Xorriyadda hadalka dastuurka ayaa damaanad, laakin fowdo iyo abaabullo siyaasadaysan in lagu soo hoos gabbado cid laga aqbalayo ma jirto”. ayuu kusoo gabagabeeyey qoraalkiisa.
