Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Warshaddii qaraxyada Shabaab oo la burburiyay iyo maydad la geeyay… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Warshaddii qaraxyada Shabaab oo la burburiyay iyo maydad la geeyay…


Kismaayo (Adduun.com) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Nabad-sugidda Jubbaland ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu burburiyay warshad qaraxyo ah, sidoo kalena lagu laayay xubno badan.

Howlgalka oo ahaa mid guuleystay ayaa si gaar ah uga dhacay dhulka Badda-madow ee u dhaxeya magaaooyinka Raaskaambooni iyo Badhaadhe, waxaana lagu beegsaday warshad qaraxyada u sameyn jirtay kooxda Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen Warshadda, lana fashiliyay qaraxyadii kooxda.

“Ciidanka Hay’adda sirdoonka iyo nabadsugida Jubbaland iyo ciidamada daraawishta Jubbaland ayaa gacanta kudhigay warshadii Miinada ee argagixisada Shabaab ay ku lahaayeen dhulka Badda-madaw ee u dhaxeya Raaskaambooni iyo Badhaadhe, gaar ahaan lagta Hola-wajeer iyo agagaarkeeda” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Jubbaland.

Sidoo kale, inta uu socday howlgalka ciidanka Jubbaland ayaa hal meel kaliya kasoo qabtay ilaa 90 xabo oo miino ah, iyada oo sawirradooda lasoo bandhigay. Waxaa kale oo howlgalkan lagu soo qabtay miinooyin badan oo ay ciidamada soo bandhigeen.

“Miinooyinkan ayaa loo qorsheeyey in shacabka lagu waxyeeleeyo” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Dhanka kale, waxaa magaalada Raaskaambooni la geeyay maydadka ku dhawaad 50 kamid ah Al-Shabaab, kuwaas oo lagu laayay aaggaasi.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kumaandooska Danab ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah argagixisada, iyada oo jabkii ugu cuslaa lagu gaarsiiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Jubbooyinka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard