Muqdisho (Adduun.com) – Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa lagu wadaa in Jimcaha soo socda uu soo gaaro markabka Turkiga ee qodaya shidaalka ee Çağrı Bey, sida ay xaqiijisay dowladda Soomaaliya.
Sida uu qorshaha yahay 10-ka bisha April ayuu Markabka kusoo xiran doonaa dekedda wayn ee magaalada Muqdisho, si uu u bilaabo qodistii ugu horreysay ee shidaalka badda Soomaaliya (offshore), sidaasna waxaa maanta ku warantay warbaahinta dowladda.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo ay qaaday Soomaaliya, iyadoo soo saarista shidaalka ay furayso albaab weyn oo lagu kobcinayo kheyraadka dabiiciga ah ee dalkeenna.
Siidoo kale, waxay tani noqonaysaa tiir muhiim u ah dhismaha dhaqaale xooggan, shaqo abuur, iyo nolol ka wanaagsan tan maanta jirta, sida ay sheegayaan khubaradu.
Si kastaba, howlgalkan cusub ayaa noqonaya midkii ugu horreeyey ee qodis shidaal badeed ah oo si rasmi ah uga billowda Soomaaliya, waxaana uu xambaarsan yahay muhiimad dhaqaale iyo mid istaraatiiji ah.
Turkiga iyo Soomaaliya ayaa sanadkii 2024 kala saxiixday heshiisyo la xiriira baarista iyo sahminta shidaalka iyo gaaska, kuwaas oo khuseeya berriga iyo baddaba. Heshiisyadaas ayaa qeyb ka ah dadaalka Ankara ay ku dooneyso inay ku ballaariso ilaha tamarteeda, kuna yareyso ku tiirsanaanta shidaalka dibadda laga keeno.
Çağrı Bey ayaa noqonaya markabkii ugu horreeyey ee qodis ee Turkiga uu ka hawlgeliyo meel ka baxsan dalkiisa, kadib Oruç Reis, waxayna noqotay Soomaaliya.
Sanadihii u dambeeyey Turkiga ayaa xoogga saaray howlaha qodista tamarta, gaar ahaan goobta gaaska ee Sakarya ee badda madow, halkaas oo dalkaas uu sanadkii 2020 ka sameeyey helitaankii ugu weynaa ee gaas dabiici ah taariikhdiisa. Helitaankaas oo lagu qiyaasay ku dhowaad 720 bilyan oo mitir kuyuubik ayaa sidoo kale noqday kii ugu weynaa ee gaas badeed ah ee dunida laga helo sanadkaas.
Waxaa kale oo Turkiga ka mid yahay dalalka saameynta xooggan ku leh Soomaaliya, xilli ay waddamo dhowr ah ku loolamayaan saamaynta istaraatiijiga ah ee dal ku yaalla marin muhiim ah oo isku xira Badweynta Hindiya, Gacanka Cadmeed iyo marin-biyoodka Badda Cas.
